C/Raxmaan Cirro Oo Ingiriiska U Gudbiyay Dacwad Been Abuur ah Oo Uu Ku Sumcad Dilayo Ciidanka RRU-da

0
465

London(DAWAN):-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa bilaabay dhaqanno qaran-dumisnimo ah oo aan ku habboonayn xisbi u tartamaya tallada wadanka, iyagoo dacwado ka dhan ah qaar ka mid ciidammada qalabka sida ย ee dalkaย  u gudbiyay dawlado shisheeye oo Ingiriisku ka mid yahay.
 
Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo booqasho ku jooga Ingiriiska, ayaa kulan la yeeshay xildhibaanย Clive Betts ooย ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dawlada Ingiriiska ee laga soo doortayย  magaalada Sheffeild, waxaanu u gudbiyay dacwado uu ka siday Guddoomiye Cirro oo ku wajahnaa ciidanka RRU-da oo ay ku eedeeyeen in loo adeegsado hanaan dimuqraadiyada wax u dhimaya.
Waxa kale ooย  Guddoomiye Cirro uu u diray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska waraaqo ย xambaarsanย  dacwado ย la xidhiidha eedo been abuur ah oo uu Guurtida ku maso-bidayo ย inay ku hawlan yihiin muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo haddii ay doorashooyinku dib u dhacaan badhtamaha kal-dambe. Waxa kale oo Hoggaanka WADDANI ay olole ugu jiraan inay shaambad xun ku dhuftaan ciidanka RRU-da oo ka mid ah ciidamadda dalka ee loogu tallo galay amaanka iyo la dagaalanka argagixisada.
Qoraal WADDANI ka soo saaray ashakatada ay gaadh siiyeen xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa ย lagu yidhi โ€œGuddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo ay wahelinayso agaasimaha xarunta dhexe ee xisbigaas Marwo Yaasmiin Cali Raygal, ayaa kulan la qaatay xildhibaanย Clive Betts ooย ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dawlada Ingiriiska uga soo baxay magaalada Sheffeild.
Mr. Seed kulankan uu la qaatay xildhibaanka waxaa ay si xoog ah ย ugala ย hadleen ciidamada RRU-da oo ayย  warbixintooda ugu sheegeen in loo adeegsado sifo aan ahayn tii loo abuuray, waxaana ay carabka ku dhufteen in loo adeegsado xadhiga dadka shicibka ah, xildhibaanada dhaliila hanaanka ay u socoto xukuumada jirta, iyo sida oo kale dadka magaca ku dhex leh bulshada Somaliland.โ€
โ€œWaxaa kale oo ay kala hadleen arrimo khuseeya dhinaca doorashooyinka iyo sidii ay wakhtigii loogu tallo galay ugu qabsoomi lahaayeen, waxaana ay sheegeen in hada ay walaac xoogan ka qabaan in ay guurtidu ay doonayso sidii ay muddo kordhin ay ugu samayn lahayd xukuumada hada jirta.
Dhanka kale xildhibaanย Clive Bettsoo ka tirsanย baarlamaanka Ingiriiska ayaa uga mahad celiyey guddoomiye ย WADDANI warbixinta buuxda ee uu ka siiyey xaalada guud ee dalka, waxaana u halkaasi balan qaad ugu sameeyeen in daba-gal uu ku samayn doonaan sababta ciidanka RRU-da ee lagu bixiyo cashuurta Ingiriiska loogu adeegsado sifo ka baxsan shaqadii loo abuuray,โ€ayaa lagu sheegay ย war-saxaafadeedkaย  xisbiga WADDANI.
 
Tallaabadani waa mid dheg-xumo iyo fadeexad hor leh ku ah Guddoomiye Cirro oo mucaaridadiisu ay marayso inuu ciidammadda wadanka kala qeyb-qeybiyo oo uu sumcad xumo aanay ka mutaysan uu ka faafinayo.
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here