“Wasiir Qaran Baan Ahay, Beelina Waxba Ma Goyso, Reerna Anigu Musharax Uma Ihi”

0
385

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay Go’aankii ay Salaasaddii todobaadkan Guddida Beesha waqooyiga iyo galbeekda Hargeysa  ee HOODAALE ay ku kala reebeen Musharixiinta Beeshaasi ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE marka madaxweyne Axmed Siilaanyo dhamaysto labadiisa xili ee dastuurku u jideeyay.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu Shalay dalka ku soo laabtay, ka dib Safar uu ugu maqanaa Dalka Itoobiya waxa kale oo uu sheegay in Siyaasi kasta oo han leh uu ka dhex-tartami karo Xisbiga KULMIYE.
“Gole dhexe ayaa jira qof walba oo reer Somaliland ah ee doonaya inuu Doorasho u tartamo Xisbiga KULMIYE ayuu ka dhex tartamayaa, Beelina waxba ma goyso, Beelna anigu Musharax uma yihi ee waxaan Musharax u ahay Somaliland oo dhan.
Anigu waxaan Musharax ahay marka uu Madaxweynuhu hawshiisa dhamaysto dabadeed. Markaa shacabka reer Somaliland oo dhan baan codka ka rabaa Beel yar oo kooban kama rabo,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.
 
 
Wasiirka khaarajigu  waxa uu sheegay in uu yahay Wasiir qaran oo u shaqeeya Shacabka, balse aanu ahayn Wasiir Beeleed, waxaanu yidhi “Anigu Wasiir Qaran-baan ahay ma ihi  Wasiir Beeleedd, Dalkana waxaan u imid in aan horumarkiisa, Ictiraaf-raadintiisa iyo dhaqaalihiisa ka hawl-gallo. Nin Beel ka soo jeedana ma ihi,  waxaan ahay Wasiir weyn oo culus oo  Siyaasadda Arrimaha dibada ka shaqaynaya oo umadda reer Somaliland u shaqeeya, arrimaha Beelaha ah ee hoosena  ima khuseeyaan.”
“ Markaa  waxaad ogaataan (saxaafadda) aniga siday ugu muuqato Waddanku horumar-buu gaadhay, Axsaab Siyaasadeed baynu samaysanay, Axsaabtaas waxa loo sameeyay in lagu tar-tamo.”
Inkasta oo aanay la isku waafaqin oo xubno ka mid ahi ay gaashaanka ku dhufteen, waxa Guddida beelaha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa  ee lagu doortay shirkii HOODAALLE ay sheegeen inay Muuse Biixi Cabdi u xusheen inuu noqdo murrashaxa beeshooda uga tartami doona xisbiga KULMIYE Dhexdiisa marka uu madaxweyne Axmed Siilaanyo dhamaysto labadiisa muddo xileed. Waxa kale oo xubno ka mid ah Guddigaasi ay sheegeen inay cod ku kala reebeen saddex murrashax oo kala ahaa Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaalle iyo Wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis.
Balse waxa gaashaanka ku dhuftay bayaankaas xubno ka mid ah guddigii HOODAALLE iyo xubno ka mid ah salaadiinta beelaha Sacad Muuse oo ku tilmaamay tallaabadaasi mid aan loo baahnayn isla markaana ay guddidu dhex gashay wax aan ahayn waajibaadkoodii loo xil saaray.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply