Gabadh u dhalatay dalkaasi Ingiriiska ayaa noqotay gabadhii ugu nasiiba badnayd ee uu ku dhacay xanuun hore u laayey caruur ay walaalo ahaayeen oo uu iyagana ku dhacay,kuwaas oo aan ka kicin xanuunkaasi.
Xanuunkan ayaa qofka ka dhigaaya diirkiisa mid sida kaluunka oo kale ah ,isaga oo jidhkaasi aad u koraayo,waxaanu korinkiisu ka dheeraynayaa 7 jeer intii uu caadiyan ahaan jiray ama korin ahaan ku socon jiray.
Gabadhan oo lagu magcaabo Live Nosert Shaheen ayaa da’ahaan 30 jir ah ,waxaanay ku nooshahay nolol adag oo xanuun badan,waxaana xaaladaasi keenay xanuun aad ku badnayn caalamka oo iyada haya,waxaanay yaraanteedii noqotay mid ka hadhay qaybaha nolosha oo dhan,iyada oo leh caruur yar yar oo iyaguna xanuunkan qaba.
Xanuunkan ayaa ka dhigay gabadhan mid diirkeedu noqdo sida diirka kaluunka oo kale,laakin waxay nasiib u heshay inay noolaato,iyada oo kasoo hadhay dad hore oo qoyskeeda ahaa,kuwaas oo xanuunkan u dhintay,waxaana u dhintay afar caruur ah oo ay walaalo ahaayeen,kuwaas oo dhintay iyaga oo aan waaweynaan.
Xanuunkan ayaa ah mid marba meel ka asiibaaya,isaga oo u gudbaaya hadba meel jidhkeeda kamid ah,kaas oo keenay inay sannadkan dhexdiisii dhakhtar u tagto,kaas oo sheegay in aanu waxba ka qaban karayn.
Caruurta ay gabadhani dhashay ayaa iyaguna ah kuwo xanuunkaasi hayo,iyaga oo dhib kala kulma neefsashada,sidoo kalena dhib socodka ah kala kulma,kuwaas oo kala kulmi kara geeri.