Salaadiinta Waqooyiga Iyo Galbeedka Hargeysa Oo Shaaciyay Inay Burburtay Guddigii Shirkii Hoodaalle

0
466

Hargeysa (DAWAN)-Salaadiinta waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ayaa  sheegay inuu burburay gudidii horumarinta beesha Sacad Muuse ee lagu soo doortay shirkii Agabar.
Sidaasna waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah u qabteen qaar ka mid ah salaadiinta beelaha Sacad-muuse ay ku qabteen Huteelka Safaari ee magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo kala ahaa Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar, Suldaan Axmed  Muuse, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur iyo Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, ayaa tilmaamay  in aan gudida horumarinta Sacad Muuse aan loo samayn inay dhax-galaan siyaasadda, xaqna u lahayn inay kala saaraan siyaasiyiinta beesha ee hanka siyaasadeed leh, waxaanay xuseen  in gudidaasi ka gudubtay wixii loo igmaday oo ahaa horumarina danaha arrimaha bulshadda ee beesha.
 
Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar oo ugu horayn halkaa ka hadlay waxaanu yidhi “Horta siyaasiyiinta beeshu kuma koobna saddexda nin ee la sheegayo, xisbiyada dalka ka jira way ku wada  jiraan nin waliba waxa uu xisbi u galay damac ayuu leeyahay, waxaana uu wax ku noqon karaa  ninka siyaasiga ee damaca lehi xisbiga uu ku jiro oo uu ka soo dhalaalo oo xisbigiisu dabo joogsado, siyaasi ay beeli igmato oo ay magacawdo oo ay tidhaa siyaasada nagu hor kac ma jiro, intaan axsaab iman ayay  taasi taalay, in la yidhaahdo beesha reer  hebel hebel ayaa matalaya.”
 
Suldaan Xasan Suldaan Nuur waxa uu sheegay inay  kala qaybsanaan ku keenayso beesha Sacad Muuse go’aankaa ay soo saareen xubno ka mid ah  gudida horumarinta Sacad Muuse, waxaanu  yidhi “Waxaan leeyahay haddii la yidhaahdo  beesha ayaa siyaasigeeda magacaabaysa, beesha khilaaf iyo burbur ayay ku keenaysaa, markaa waxaan leeyahay   siyaasiyiinta mid kastowba  halka  aad wax ka tahay ka muuqo maalinta mid banaanka isa soo taago  nin kasta  oo Sacad Muuse ahi wuu kugu qasban yahay in uu ku doorto, laakiin inta ka horaysa beesha ha laga daayo burburka iyo kala furfurka oo ay isku nacdo hebel ayuu hebel la socdaa ka daaya ayaan leeyahay.”
 
Suldaan Xasan  waxa kale oo uu sheegay inuu burburay  gudidii lagu soo doortay shirkii Agabar, maadaama oo ay galeen arrimo siyaasad ah oo aan khusayn, waxaana uu yidhi “Qoladan gudida sheeganaysa iyaga waxba  odhan maayo, sidaas ayay ku burbureen, oo aanay arrinkan shaqo ku lahayn nin waliba wuu sheegay, wax aydaan shaqo ku lahayn oo aan loo igman ayay galeen, caqliga iyo damiirkuna inama siinayo in beeli siyaasiyiin iyo arrin siyaasadeed kala saarto.”
 
 
Suldaanku waxa uu  tallo u soo jeediyay salaadiinta beelaha Sacad Muuse, waxaanu yidhi “Salaadiinta beesha Sacad Muuse ee horena kala jabnayd waar waxaan leeyahay madax-dhaqameedka  taas waa looga wanaagsan yahay, Suldaan looga fiican in  cishaba meesha looga yeedho ka muuqdo.Hebelna uu raaco hebelna uu diido, waa looga wanaagsan yahay, raga siyaasiyiintii waa inamadiinii salaadiin ayaad  u wada tihiin kii qaban lahaa ayaad tihiin ee u caqli celin lahaa.”
Suldaan Axmed Nuur Samaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay  in loo sameeyay gudida shirkii Hodaalle horumarinta beesha Sacad Muuse, waxaanu  uu yidhi “Waxaan leeyahay qolada gudidii shirkii  Hodaalle ee Agabar, wixii loo doortay ee loo sameeyay waxa uu ahaa horumarinta beesha Sacad Muuse, siyaasad may ahayn, waana laga mamnuucay siyaasada. Maantana waxa ay  galeen siyaasad, waxa aan leeyahay wixii loo diray maaha,  imikana sanad iyo billo ayaad joogtaan, wali  shay aad qabateen lama arag oo horuarintii reerka ee laydiin diray ah, waxaan idin  leeyahay ku soo noqda wixii laydiin diray, arrinkaa aad gasheena ka noqda.”
 
Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur ayaa isaguna  waxa uu sheegay in aan loo diran gudida horumarinta Sacad Muuse inay  dhex dabaashaan arrimaha siyaasada, waxaanu  uu yidhi “Gudida aanu u dooranay inay ka shaqeeyaan horumarka reerka  oo la yidhaahdo gudida horumarinta beesha Sacad Muuse, u maanaan diran inay noqdaan gudida ka shaqaynta siyaasada, u maanaan diran.
Salaadiintana waxa aan leeyahay waxa loo igmaday in uu ka shaqeeyo khilaafka reeraha dhexdooda ayaa loo igmaday, looma igman in uu siyaasada ku dhex-galo.”
Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle ayaa waxa uu ku dooday  in gudida Agabar  ku fashilmeen wixii loo igmaday, waxaana uu yidhi “Gudida waxa lagu soo magacaabay shirkii Hodaalle, waxaana loo soo magacaabay wax looga maarmi waayay oo baahida horumarinta reer ah inay daboolaan, waxaana mamncuuc ka ah gudida in siyaasada ay dhex-gasho, waayo siyaasada iyo reerku isku gali maayaan, wax-qabad uu gudidaasi  qabatay maanu arag, wali  mudadaana way u xil saarnaayeen, iyagoo wax ba qaban gudidii siyaasad ayuu galay.
Shaqo aanu u dirnayna maaha, waxa aan leeyahay gudidu way seegeen  wixii reerku u dirtay,  way seegeen, hawsha ay ku jiraana ha ka baxeen.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply