Somaliland Oo Maxkamadeynaysa 257 Badmaaxe Oo Lagu Soo Qabtay Xeebta Wadanka

0
401

Hargeysa (Dawan)- Ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa qaaday hawl-galkii ugu balaadhnaa ee ay kula dirirayaan kalluumaysatada sharci darrada ah ee xeebaha ka jilaabanaya kalluunka, waxaanay gacanta ku soo dhigeen hal markab oo laga leeyahay dalka Masar iyo 51  doonyood oo ah kuwo kalluumaysi oo laga leeyahay  wadanka Yeman.
Sidaasna waxa sheegay Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland Admiral Guuto Axmed Aw-Cismaan, waxaanu intaas ku daray in hawl-galkaas balaadhnaa oo ciidankiisu ku sameeyeen xeebta Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan deegaanka u dhaxeeya Maydh illaa Lughaya.
Taliyaha ciidanka Ilaalada xeebuhu waxa uu sheegay in lagu soo qabtay markabka iyo doonyahaas Laba Boqol iyo Toddoba Iyo Konton qof oo Bad-maaxiin ah, waxaanu tilmaamay in sharciga la horgeyn doono maxkamad, si loogu maxkamadeeyo tallaabada sharci darrada ah ee ay kalluunka kaga jilaabanayeen xeebta Somaliland.
Ciidamada Illaada xeebaha ee Somaliland ayaa marar kala duwan hawl-gallo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen Doonyo si Sharci-darro ah uga Kalluumaysanayay Badda Somaliland, iyadda oo Kalluumaysatadda Waddaniga ahi ay cabasho iyo walaac xoog leh ay ka muujiyeen Doonyaha shisheeye ee sida Sharci-daradda ah u xaalufinaya Khayraadkii Badda Somaliland.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply