Guddigii Shirkii HOODAALLE Oo Caddeeyay In Cagaha Loo Geliyay Arrimo Siyaasadeed

0
397

Hargeysa (DAWAN): Xubno ka mid ah Guddidii shirkii HOODAALLE ee beelaha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa, ayaa gaashaanka ku dhuftay in koox ka mid ah guddidoodii ay sheegeen inay murrashax beeshaasi xisbiga KULMIYE u doorteen Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
ubnaha Guddidaasi oo ka biyo diiday go’aankii ay soo saareen guddidii shirkii HOODAALLE, ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Safaari ee magaaladda Hargeysa.
 
Abshir Maxamed Warsame  oo ka mid ahaa gudidaa kala jabtay ee horumarinta beelaha Sacad Muuse aya  yidhi “Aniga oo  ka mid ah gudida shirkii Hoodaale ee beelaha Sacad Muuse, gudidii horumarinta ee beelahaas, waxaan doonayaa in aan ummadda u cadeeyo khilaaf soo waajahay gudidda aanu ka mid nahay ee beelahaasi,  khilaaf soo baxay oo warbaahinta galay in aanu ummadda u cadayno  oo shacbiga ka saarno waxa la sheegayo. Intayada halkan fadhidaa waxaanu ka mid nahay gudidaasi  beelaha Sacad Muuse oo ka biyo-diiday shirkii shalay  ay gudidaasi ku lahayd xarunta Hargeysa intii ka biyo diiday in gudida horumarinta beelaha Sacad Muuse ay go’aamo  siyaasi ah qaadato, maadaama ay tahay gudida  horumarineed mariise aanu aragnay gudida oo dhalliyaro  u badnayd intooda badanina mabda gaar ah ka midaysnayd oo dhabarka la soo taabtay.
Markii aanu kari waynay in arrinta siyaasad ay ka hadhaan, ayaanu anagu iskaga baxnay shirkaasi, mana jiro waxaanu dooranay iyo cid aanu u codaynay. Culimada iyo odayaasha aanu ka midka nahay arrintaa siyaasada iyo in aanu ka joojino inamadaa siyaasada. Gudida la soo galay waanu kari waynay. Mana jiro musharax aanu dooranay iyo mid aanu diidnay gudi ahaan, waxaanu nahay gudida horumarinta beelaha Sacad Muuse. Horena waa la noogala dardaarmay inay siyaasad gasho, waxbana kama jiraan, markaa xalay warbaahinta laga sheegay ee magacayaga lagu qoray mana jiro musharax aanu u codaynay iyo mid aanu diidnay.”
Abshir Xoodiye, waxa uu su soo jeediyay  Culimada, Salaadiinta, Waxgaradka beelaha Sacad Muuse inay bad-baadiyaan gudida beelahaasi oo uu sheegay in  tacabka badani galay.
 
Nuur Muxumed (Nuur yare) oo isna ka mid ah gudida horumarinta ee beelaha  Sacad Muuse ee   shirkaa jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu yidhi “Gudida horumarinta  ee beelaha Sacad Muuse waxaana doortay ergooyinkii shirka Agabar ee Hoodaale oo tiradoodu dhamayd 750 ergay, waxa la nagu soo dhex tuuray arrin uu shirkaasi xalin waayay oo ahaa in siyaasiyiinta beeshaasi  la laka saaro, anagase waxa la noo doortay in aanu ka shaqayno horumarinta beelahaasi oo aanu ka shaqayno haddii ay tahay dhismayaasha dugsiyada waddooyinka iyo guud ahaan in aanu ka shaqayno baahiyaha asaasiga ah ee beelahaasi qabaan muddo bil ah waxaanu gudidayadaasi iska waaninaysay in aanu gudi ahaan iska joojino, waxaa lanagu soo dhex tuuray ee siyaasada ah in gudi ahaan 25 kayaga xubnood aanu ku egaano horumarinta la inoo doortay.
Waxa aanu soo jeedinay in saddexdaa nin ee  ka tirsan belaha ee musharaxnimada isku haysta  inay ku kala baxaan xisbiga Kulmiye oo aynu  u dayno inay ku kala baxaan xisbigoodaas.”
 
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu soo jeedinay in gudi ahaan aanu arrintaa musharaxixiinta  iyana iskaga wareejino dhaqankeenii shirka inoogu dhiibay xilka gudinimo Agabar.Waxa kale oo aanu soo jeedinay in aanay gudidayada u fiicnayn in arrintii ay kari waayeen ergadii 750 ahayd aynaan inaguna ka kale jabin waana la naga diiday arrintaasi.
Waxa kale oo aanu soo jeedinay  in arrinta aanu islaax ku galno oo rag walaal waxa uu ku dhaamaa ma jirtee aanu ergo ahaan ku galno, intasi oo dhan waxaan ka cararaynay in gudidu ku kale jabto cod haddii la qaado oo wixii ay ergooyinka shirkii Hoodaale oo 750 dhamayd in aanu anaguna ku kala jabno, waxaanu waxgaradka beesha qurba jooga u sheegaynaa in aanay waxba ka jirin warkaa sheegay in aanu  kala saarnay musharixiinta wixii  musharax iyo doorasho ku saabsani waxaa iska leh xisbiga ay ku jiraan, intayada halkaa fadhidaana ma jiro sabab aanu saddexdaa nin ugu kala eexano ee walaalaha ah.”
 
Dhinaca kale Dr. Axmed Cabdi oo ka mid ah xubnaha gudidda HODAALE oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gudidoodu ay mid horumarineed balse aanay ahayn guddi siyaasadeed.
“Gudidu waa gudidi horumarineed ee maaha gudi siyaasadeed, sida aad ka warqabtaan anigu waxaan ahay dhakhtar markii la igu yidhi “waxaa lagugu daray gudidaa in aana diidin maadaama ay ahayd gudi horumarineed.Sidaa la sheegayna shaqada gudidu waxa ay ku koobnayd horumarinta beesha ee may ahayn gudi siyaasadeed oo hebel iyo  hebel kale saarta, ujeedada gudidayaduna way cadahay oo nuxurkeedu waxaa uu ahaa dadka maxaad u qaban kartaan. Markii aanu aragnay ragii kale ee gudida nagula jiray oo dhalinyaro u badnaa oo ku buuxa in aanu siyaasad galno oo intayada  halkaa fadhida oo culimo iyo waayeel ahi aragnay in waliba ay musharax gaar ah ku buuxaan  oo u muuqday niman dhabarka la soo taabtay ayaanu iskaga baxnay shirkaa, hadalka iyo waxaa go’aanka lagu sheegayo, waxba kama jirana mana ogin meel u hebal  cod helay iyo meel lagu codeeyay toona anuuna waxaa ku taliyay in gudi ahaan aanu nidhaa siyaasad ma naqaano ceeb maaha madax dhaqameedka beesha waxaan u soo jeedinayaa inay talaabo ka qaadaan xubnaha beenta sheega oo gudida  la badbaadiyo” ayuu yidhi Dr. Axmed.
 
 
Sidoo kale waxaa isna shirkaasi  jaraa’id ka hadlay Sh. Maxamed Aadan oo ka mid ah gudidaaasi  isla markaana ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland  uu yidhi “Sida aad ka warqabtaan aniga waxaan ahay culimada Somaliland qof kastaana Sheekh iyo shariifba reer uun buu ka soo jeedaa. Hase yeeshee, ma tegin shirkaa beesha ee Hoodaale ee Agabar lagu qabtay, waxaase la ii sheegay anoo Xajka ku sii socda in la igu  daray gudida horumarinta oo loo bixiyay gudida horumarinta, waxaan la igu yidhi Sh. Maxamed  Aadan waliba adiga xoog ayaa lagugu, waxaana la og yahay  waxyaabaha khayrka in aad ka shaqayso. Somaliland iyo Geeskaba  ka qabato beeshana la qabo ee samofal ah haddii ay tahay caafimaad iyo haddii ay tahay waxbarasho, ana waayahay baan idhi.
Waxaase waydiiyay barigaa gudida magacayga lagu daray  ma siyaasadbaa idinku jirto haddii ayse siyaasadi ku jirto anigu ka shaqayn maayo, oo umada ayaan u dhexeeya, waxa se la igu jawaabay magaca gudidu  waa gudi horumarineed, shirkii u horeeyay ee gudidu qabatayna  waxaanu isla qaadanay  in laga fogaado siyaasada. Intaa ka dib anigu waxaan tagay dalka Ingiriiska oo aan muddo ku maqnaa,  markii aan dalka dib ugu soo noqday, waxaan gudidii ugu imid iyagoo siyaasad ku jira, waa arrin iga yaabiyay,  oo saddex musharax oo iladeer ah leh waanu kala saaraynaa oo  kii soo baxaaba aanan ka qabin wax sasa oo uu ila siman yahay  musharaxiniinta kale ee  Somaliland oo aanan sas ka qabin, markii aan arrintaa arkay waxaan ku noqday Masaajidkii Cali Mataan, muddo ka dibna waxaa Masaajidka igu yimid Guddoomiyahaygii gudida  oo ah nin odaya oo aanu aad iskugu wanaagsanahay oo Maxamuud la yidhaahdo, markii aan waydiiyayna waxa ku kalifay siyaasada, waxa uu igu yidhi “Waxaanu ku jirnaa dhiiqo, meel ay nagaga timidna aanan garanayn, ee Sh. Maxamedoow gudidda ila badbaadi, ha naga tagin. Markii aan u imidna waxaa aan ogaaday  in qayb gudida ka mid ahi arrinta wadato oo uu dibadda nagaga yimid arrinkaasi, oo uu yahay khilaaf dibada nagaga yimid, ragayagii kale ee gudida ku jirayna.”
 
 
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Nin wayn baan ahay, oo waxaan ogahay halkan ka wada sheegi maayo, oo waxa jira arrimo badan oo dibada nagaga yimid.Gudi ahaan waanu shirnay oo waxaanu isla qaadanay in gudida la badbaadiyo waxaana la soo jeediyay in kalsooni laga qaado saddexda nin ee tartamaya.
Markaa waxaanu la kulanay Muuse Biixi Cabdi, waxaanu  na yidhi waan idin siiyay kalsooni, labadii nin ee  kale waxa ay nagu yidhaahdeen, siyaasadu meel bay leedahay,  ee maxaa idinka idin galiyay gudidi horumarineed baa la idiin doortayee. Aniga nin Sheekh ah baan ahay, arrin kasta oo sulux lagu galiyayana waxa ay shareecadu na faraysaa,  in cida wax ka dhexeeyaan kalsooni bixiyaan, maxaanu ka garnaqnaa ragii qaar baa kalsooni na siinee.Waxa aniga iyo rag kale oo meesha fadhiyay  waxaan isla qaadanay in aanu arrintaa faraha ka qaadno mar haddii ay  noo joojin waayeen gudida qayb ka mid ahi oo dhallinyaro u badani, goobtaa go’aanka laga soo saaraynaa anigu  raga badankiisu wuu ka baxay, aniga Sheekh ahaan hadafkaygu waxa weeye in umaddan la isku waydo, oo  la iska ilaaliyo wixii tafaraaruq ku keenaya, ma jeceli arrin aan kalsooni la iisiin, shaqsi ahaana aad baan uga xumahay in dadka aad wada shaqaynaysaan ay qaarkood iska qaataan go’aamo dibada inagaga yimid, berrina waa suurtogal inay qaataan go’aan kale, waana arrin gudidayadii oo dhana   meel ka dhac bay ku tahay falkaa ay sameeyeen.
Daruuf ayaa keentay in maanta wax aan la iga baran halkaa ka yidhaahdo, arrintaasi arrin gudidu ka shirtay maaha ee waa arrin dibada inagaga timid, imika waxaan u soo jeedinayaa in dadnimada iyo wada jirka umada laga shaqeeyo.
 
Seekh Yaxye Sheekh Ibraahim oo isaguna halkaasi  ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ka soo horjeeday in cod laysku muquuniyo, waxaana uu yidhi “Kamaanu bixin shirka aniga iyo Cumar Boobe waanu fadhinay, maanu codayn.Xagan siyaasada anigu waligay xisbi maan galin, maantana xisbi kuma jiro, cid aan si gaara uga soo horjeedaana  ma jirto, ragna waa is qabtaa mar haday siyaasad  noqotana dadka kama wada qosliso, quusna ma taagnin. In dadka laysku keenana waan ku qanacsanahay.” Ayuu yidhi Sheekhu.
 
 
Sidoo kale Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu xusay in gudidooda dibada laga soo faro  galiyay waxaa uu yidhi “Gudidayada waxa ka soo go’ay iyada   ama war xun ha soo saarto ama war wanaagsan ha soo saarto, waxa ka soo go’ay iyada muu ahayn arrinkani waa wax nala soo dhexgaliyay, waana siyaasad nalagu soo dhextuuray.”
By: Idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply