Mid Ka mid Ah Laydhadhka Ku Xidhan Xarunta Dab Damiska Maraykana Oo Aan La Bedelin Muddo 133 Sanno Ah

0
380

Sida caadiga ah dalkaasi Maraykanka waxa inta badan la bedela laydhadhka markasta oo ay dhaawacmaan, gaar ahaana kuwa meelaha daruuriga ah ku yaala,iyada oo la ilaalinaayo tayadooda.
Haddaba waxa jirta lambad ku taala magaalada California xarunteeda dab damiska, taas oo aan la bedelin muddo 113 sanno ah, sidoo kalena lama bakhtiin lambadaasi, waana mid shidnayd mudadaasi 113 sanno ah, iyada oo shaqaysa saacado gaadhaaya 24 saacadood.
Waxaanay ku taalaa xarunta dab damiska ee lambarkeedu yahay 6 laguna magcaabo Livermore, iyada oo halkaasi lagu xidhay sannadkii 1901, iyada oo aan la ogayn maalinta dhabta ah ee lambadaasi meesha lagu xidhay, laakin shaqaalaha dab damiska ee xaruntaasi waxay u dabaal degaan dhalashada sannad guuradda laambadaasi 18 june sannad walba.
Waxa la sheegay in laambadaasi tijaabooyin lagu sameeyey laba jeer oo keliyaata, kuwaas oo kala ahaa sannadkii 1976 kii iyo sannadkii 2013 kii, waxaanay bakhtiisnayd lambadaasi muddo dhan 3.4 hours,isla waqtigaasiba waxa dib loo soo celiyey lambadaasi, iyada oo dib loo istaadhay, iyada oo halkii shaqadii kasii bilawday. Sida caadiga ah lambaduhu waxay shaqeeyaan muddo loogu talo galay, iyada oo la bed bedelo, taas oo keenta in la bedelo laambado badan.
 

Leave a Reply