Wasaaradda Waxbarashada Oo Iska Fogaysay Eedo Musuq Oo Guddida Ilaalinta Hantidda Wakiilladu U Jeediyeen

0
1075

Hargeysa (Dawan):  Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin ay soo saareen guddida daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilladu, taasoo ay ku sheegeen inay lunsadeen kharash ay wasaaradda maaliyaddu u ansixisay oo loogu talo galay gobollada.
Masuuliyiinta oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaraddaas ayaa waxa ugu horeyn halkaas ka hadashay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan.
waxaanay  hadalkeeda ku bilawday, “Waxaa jirta in guddoomiyaha  daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilladu uu  kormeer ku soo maray gobollada, kuna eedeeyay wasaaraddo ay ku jirto wasaaradda waxbarashadu miisaaniyadda ay wasaaradda maaliyaddu u ansixisay aanay gaadhsiin gobollada dalka, laakiin waxa aanu annagu halkan ku haynaa sida ay wasaaraddu u qaybiso miisaaniyaddeeda, lsu-duwe kasta oo gobol noo joogana waxaa mushaharkisa u dheer saddex-boqol oo doollar  oo toddoba gobol la siiyo, shanta kalena min laba boqol oo doolar oo dheeraada  la siiyo” ayay tidhi waasiirku.
Iyadoo hadalkeeda sii wadatayna waxay tidhi “Waaxaananu diyaar u nahay in guddida wax soo baadhay madashan aanu soo fadhiisino oo qodob kastana sideeda loo qaado waxa aanu annagu luminay ma jirto oo wax kasta meeshii ay ku baxeen waanu haynaa, waxaananu ka codsanaya guddidu in ay timaado miiska si, aanu isula eegno waxa ay soo baadheen iyo waxa aanu hayno”.
Agaasimaha guud ee wasaaradda  waxbarashadda Maxamad Ibraahim Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  waxa uu yidhi, “Waanu soo dhaweynaynaa in nala dhaliilo, hase ahaate adduunka qaab la isu dhaliilo ayaa jira, haddii ay dhaliili jirtana inay guddidu noo timaado ayay ahayd oo ay na tidhaahdo dhaliishaasaanu idiin haynaa.”
Waxaa kale oo oo shirkaas jaraa’id ka hadashay agaasimaha waaxda xisaabaadka Fatxiya Dubad, “Wasaaradayadu waa  wasaaradda qaadatada kharashka ugu badan, si marka loo eego waa run, si marka loo eegana lacagta ugu badan waxay nagaga baxdaa waa mushahar, waayo shaqaalaha ugu badani waxay ka shaqeeyaan wasaaraddan, miisaaniyadda sannadka ee 2014-ku waa 70-tan milyan 5-boqol iyo 66-dan milyan 94-kun oo Somaaliland ah, markaanu eegno misaaniyadda nushahaarooyinka waxa ku baxaa 61-milyan 46bilyan 726000-kun, taasina waxa ay ku tusayasaa in xooga lacagtaasi ay ku baxdo mushaharooytinka, taas haddii laga yimaado mushaharka dawladda waxa ku baxa 86-tan ,5 waxaana ka soo hadha 2,5, taasina maaha wax la odhan karo waala musuq maasuqay gobol kastana waxaanu u dirnaa waaran marag madoon ah oo cadeynaya kharash kastaa meesha uu ku baxay. Waxa kale oo jira mushaharooyinka ku baxa waxyaabo loo cayimay oo ah dhismaha oo lacagta ku baxdaana ay tahay 4-bilyan 520-tan bilyan, iyana waxa ay noqonaysaa 11%. Miisaaniyaddu 97.5 waxa ay ku baxdaa waxyaabo cayiman oo ay midna tahay mushaharka midna tahay dhismaha,” ayay tidhi agaasimaha waaxda xisaabaadku.
By: Khadar Maxamad Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply