Hanti-dhawraha Guud Oo Iska Difaacay Eedaymo Ay U Jeediyeen Gudidda ilaalinta Hantidda Qaranka Ee Wakiiladda

0
516

Hargeysa(Dawan): Xafiiska Hantidhawraha guud ee Qaranka,ayaa jawaab adag ka bixiyay eedayn  ay u jeediyeen  guddi hoosaadka golaha Wakiiladda ee ilaalinta Hantidda Qaranka,  oo ay ku tilmaameen  hay’ada Hanti Dhawrka Qaranka mid aan gudan xilkeeda isla markaana ay ka jirto dhexdeeda musuq maasuq iyo xil gudasho la,aan.
Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud  Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud dheere),  ku xigeenka Hantidhawraha Guud  Maxamed Cabdilaahi Nuur iyo Agaasimaha Waaxda dawladda Dhexe Cali Maxamed, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntoodda  ayaa  waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta  ay u soo jeediyeen Guddi hoosaadka Ilaalinta iyo daba galka Hantida Qaranka ee golaha Wakiiladu,waxaanay taa bedelkeeda ku sheegeen in hayadda hanta dhawrka Qaranku ay dalka ka badbaadisay in uu ka jiro wax musuq maasug ah isla markaana ay u taagan yihiin ilaalinta hantida Qaranka.
Maxamuud  Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud dheere),   oo ka jawaabayay eedaymaha loo jeediyay  waxa uu yidhi.
“Xisaabaadka uu soo qaatay maaha xisaabaadkii Miisaaniyadda sanadkan ku jiray waxyaabaha uu soo qaatayna maaha wax sax ah,miisaaniaddii ugu dambaysay ee aanu golaha u gudbinay oo ahayd miisaaniaddii 2013 qoraalkiisa waxaa ku muujisan oo uu leeyahay balaniska soo hadhay waxaa uu ahaa Lixdan Bilyan Sadex Boqol iyo Lixdan, run ahaanna waa xisaab qaldan oo aan jirin, laba nooc ayay miisaaniyaddu u kala  baxdaa mid waxaa la yidhaahdaa miisaaniyadda caadiga ah waana  ta ay ku jiraan mushaharooyinku ee aynu naqaano midna waxaa la yidhaahda miisaaniyadda xisaabaadka ka baxsan markaa labadiibaa iskaga qaldamay manaanaan geyn anagu ta aanu gudbinayna maaha laakiin isagaa sheegi doona halka uu kala yimid.”
Hantidhawraha Guud isagoo hadalkiisa sii watayan, waxa uu yidhi  “Musuq maasuqa annaga ilaalina musuq maasuqna ma jiro markaa xisaabtiisa  halkan taalla way qaldan tahay,waxaa uu ka hadlayaa waa miisaaniyaddii xukuumaddii hore illaa 2008 ilaa 2013 in uu yidhaahdo imikaan ka hadlayaa isaga ayay nusqaan ku tahayba miisaaniyaddii Xukuumaddii hore.”
Waxa kale oo isna shirkaasi  jaraa’id  ka hadlay ku xigeenka Hanti dhawrka guud Maxamed Cabdilaahi Nuur oo sharaxaad ka bixiyay hawsha ay u xil saran yihiin Hanti dhawr ahaan iyo sida ay u shaqeeyaan.
“Xafiiskani shaqo ayuu leeyahay shaqadiisuna waxa tahay baadhis ah in uu baadho wixii qarashaad ahi saday u baxeen iyo dakhliga dalka soo gala sida ay u soo galeen in ay sax tahay iyo in waddo sax ah ay ku baxday ayuu shuruucda ku ilaaliyaa hanta dhawrka Qaranku,xildhibaanku in badan ayuu joogay oo uu ka mid ahaa golaha Wakiilada maanta(shalay) ayaana noogu horraysay isagoo ka hadlaya xafiiska Hantidhawrka iyo shaqadiisa warka uu ku sheegay in aan madaxda iyo Shaqaalaha Hantidhawrku wada shaqaynna waxba kama jiraan oo sidaa aanu imikaba u wada joogno,ayaanu mar walba u wada shaqaynaa oo waax waliba shaqadeeda oo sax ah u gudataa.”
dhinaca kale Agaasimaha  waaxda dawladda Dhexe ee Hanti dhawrka guud ee Qaranka Cali  Cali Maxamed oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay  ayaa tilmaamay in ay Hanti dhawr ahaan diyaar u yihiin in ay wixii aqoon darro ah ee kaga jirta dhanka xisaabaadka xildhibaanka eedaha u soo jeediyay in a saxaan isla markaana soo gaadhsiiyaan heerka xisaabeed ee maanta a miisaaniyadda dalku marayso.
waxaanu yidhi “Sanad kasta miisaaniyaddu way korodhaa sidoo kale xisaab xidh sanadeed  ksataana waxbaa iska bedela  xisaab xidhka hanta dhawrka guud  iyo golaha wakiiladu ay ku  wada shaqeeyaana waa mid aan muran ku jirin laakiin haddii ay xildhibaanka aqoon darro kaga jirto  heerka korodhka xisaabeed ee dalku marayo diyaar ayaanu  u nabay in aanu kor ugu soo qaadno.”
 
Dhinaca kale Guddoomiyaha gudidda ilaalinta iyo dabo-galka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda Maxamed Cali Xirsi, ayaa fadhigii golaha ee sabtidii todobaadkan waxa uu ka hor akhriyay warbixin ay gudidiisu ka soo ururisay qaar ka mid ah hay’adaha dawladda. Waxaanu tilmaamay in maamul xumo baahsani ay ka jirto xafiiska hant-dhawrka guud ee qaranka.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama),Waxaa uu ugu horeyn  golaha soo hor dhigay warbixin aad u dheer oo muujinaysa musuqmaasuqa iyo maamul xumada ragaadisay hay’adda hantidhawrka guud ee qaranka,waxaana uu sheegay in gudidan oo muddo baadhis xooga ku waday hanaanka ay u shaqayso hay’addani,sida ay uga hawl-gasho illaalinta hantida qaranka, siiba xisaab xidhada iyo baadhisaha meelaha musuqmaasuqu ka dhaco,aanay hay’addani gabi ahaanba gudan hawlahii ay qaranka u xilsaarnayd isla markaana aanay wax wada shaqayn ahi ka dhaxayn madaxda Hay’adda hanta dhawrka qaranka.
“Guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranku iyagoo markasta tixgelinaaya wadashaqaynta Xafiiska Hanti-dhawraha, tixgelisana codsiga kaga yimaada Hanti-dhawraha Qaranka, Dhamaan balanqaadyada Hanti-dhawrahuna waxay ku dhamaataa mid aan waxba ka fulin.Mararka qaarkoodna wuxuu Hanti-dhawraha Guud noo soo qorayay waraaqo nuxur ahaan ka duwan wixii aanu ka dalbanay, oo aanu u aragnay uun isdiidsiin iyo ka cagajiid. Gudidu si wadar iyo si shakhsiyaad ahba waxay uga hawlgaleen hirgelinta wadashaqayn dhexmarto Hay’addaas iyo Golaha si loo gaadho Hadafkeena Qaran ee aynu higsanayno”Ayuu yidhi Md:Maxamed Cali Xirsi (Obama)
Xildhibaan Obama waxa kale  oo  uu halkaasi ka cadeeyey in aanay wax wada shaqayn ahi ka dhaxaynin waaxyaha uu ka kooban yahay hanta-dhawrka guud ee qaranku. Waxaanu yidhi  “Ka dib markaanu in badan eegaynay Xogona ka urur-sanaynay Hay’adda Hanti-dharka Guud waxaan  noo soo baxday 1. In Aanay wax wada shaqayni ka dhexayn madaxda u saraysa Hay’ada, Gudoomiyahuna Lumiyey Nidaamkii wadasghaqayneed ee Hay’adda 2. In Shaqada Hay’addu ay ku kooban tahay Gudoomiyaha oo uuweheliyo agaasimaha Dawlada dhexe 3. In Hay’adu noqotay Hay’addaha ugu hoosaysa tayo ahaan intii aanu la kulmaynay madaxda qaranka, anagoo Hay’adaha ku qiimayna warbixinada ay nasiiyaan iyo xogo oo aanu badanaa ka helno siyaabaha ay hayadahu amaba wasaaraduhu ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.4. In Gudoomiyahu aanu ogolayn in xogo qoraala uga gudbiyo Golaha Musuqmaasaqa xukumada hadheeyey ee uu afka ka sheegaayo 5. In Hay’adda laftigeedu aanay ka madhnayn maamul xumo baahsan oo dhexdeeda ah taas oo sababi karta wax isdaba marin.”Ayuu yidhi Md:Maxamed Cali Xirsi (Obama).
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply