Waran Cadde Oo Mucaaridka Ugu Baaqay In Ay Ka Waantoobaan Hadaladda Naxliga Xambaarsan Ee ay Bulshadda Ku Kala Qaybinayaan

0
386

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ugu baaqay xisbiyadda mucaaridka ah inay ka waantoobaan hadalada Naxliga  xambaarsan ee ay umadda ku kala qaybinayaan.
Wasiir  Warancade oo shalay warbaahinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada  Hargeisa ayaa waxa uu sheegay in heer gabogabo marayso arrintii ay u tageen gobolka Awdal ee ay ku xalinayeen Suldaanka falaagoobay, waxaanu uga mahadnaqay salaadiinta gobolka Awdal sidii ay ugala shaqeeyeen xalinta qadiyada Suldaan Wabar.
isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa Salaadiinta iyo Waxgaradkii gobolka Awdal oo runtii si qiimo leh oo waddaniyadda uga shaqeeyay shaqaaqadii  yarayd ee meesha ka dhacday hawshii ay ka galeen waan uga mahad celinayaa”.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo diyaar u tahay xalinta tabashooyinka gobolka Awdal, waxaana uu yidhi “Waxa kale oo diyaar loo yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii bulshada reer Awdal soo gudbiyeen oo runtii imika dhamaad ah  iyadana wixii alga qaban karo ayuu diyaar u yahay Madaxweynaha Somaliland si bulshada loo bogsiiyo wixii ay tbanayaan. waxa kale oo aan jecelahay in aan sheego in dawlada Somaliland ay u dhalatay umadda reer Somaliland, wxaanay diyaar u tahay in si cadaalada iyo sinaana bulshadda reer Somaliland haday gobol tahay  iyo haday degmo tahay wixii hantiya ee ay leeyihiin in si cadaalada oo sinaana loogu qaybiyo diyaar u tahay dawlada uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo”.
Dhinaca kale wasiirka ayaa  ugu baaqay xisbiyadda mucaaradka inay ka feegjinaadaan wixii umadda kala qaybsanaan ku keenaya. “Waxaan maqlayay xisbiyadda mucaaradka oo si aan qurux badnayn oo bulshada walaalaha ee reer Somaliland kala dhex dhigi karta arrimo xun oo warbaahinta kaga hadlayaya hadalada naxliga lihina, waxa ay keenaan dhib badan, markaa waxaan  jecelahay in aan digniin adag uga jeediyo xisbiyada mucaaradka ah in aanay had iyo jeer duruufuhu keenaan ama ka dhaca dalkeena in aanay six un oo waddaniyada ka fog oo naxli keeni kara iyo fool xumo keeni kara oo nabadgalyada waxyeeli kara ku kicin weeye” ayuu yidhi wasiirku.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply