“Saxaafadeenu waxay muhiimada sii saa arrimaha siyaasadda, ma jiraan waxyaabo ku saabsan wacyigelinta bulshadda oo ay warbaahinteenu soo tebiso”.. wasiir ku xigeenka warfaafinta

0
450

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xieenka Wasaaradda  Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna ku simaha wasiirka  C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa sheegay in aan loo baahnayn in warbaahinta dalka ka hawlgasha inay tebiyaan waxyaabo lidi  ku ah xasiloonida iyo qaranimada Somaliland.
Waxaanu  u soo jeediyay warbaahinta inay ummadda u soo bandhigaan barnaamijyo warar  ku  tacaluqa waxyaabaha ay bulshadu  ku midaysan tahay ee arrimaha  bulshada. Hase yeeshee aanay ku mashquulin arrimaha siyaasadda oo qudha.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta   wax auu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay  tababar uu shalay suxufiyiin ka kala socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta uga  furay Huteel  Guuleed ee magaalada Hargeysa, kaasi  oo ay soo qabanqaabisay Akaadamiga  Nabadda iyo horumarka Somaliland. Kaasi  oo lagaga hadlayo  mudada uu socon doono isku xidhka bulshada iyo warbaahinta.
 
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidh “Saxaafadeenu waxay u badan tahay oo ay muhiimada siisa arrimaha siyaasada, waxaanad arkaysaa in dhacdooyinka la soo  gudbiyo iyo dhamaan waxay u baddan yihiin in arrimaha siyaasada laga hadlo taasi umadeena kala qaybsanaan ayay ku keenaysaa oo siyaasiyiintii nin waliba dan ayuu leeyahay afkaartoodii ayaa kala duwan xisbiga jira umadduna way la kala  safan yihiin, laakiin warbaahinteenu looma baahna inay noqdaan kuwo falanqeeya waxa bulshadu ku midaysan tahay.”
Waxaanu intaasi ku daray “Haday tahay horumarka dalka, waxa aynu ognahay in tahriibku batay, ma jiraan waxyaabo ku saabsan in tahriibka laga wacyigeliyo dhalinayradeena oo warbaahinta soo tabiso, dhaxanta dhacaysa waxa jira dhallinyaro dhaxantu ku helayso, waxay cunaan maysan haysan, hoy haysan warbaahinteenu ma yahay kuwo umadda ku soo jeediyay sidii wax loogu qaban lahaa oo  bulshadu iskaga kashan lahayd sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaataysan” ayuu yidhi wasiir ku xigeenku.
Waxa  kale oo uu tilmaamay in aan loo baahnayn inwarbaahintu tebiso waxyaabo lid ku ah nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland.  waxana uu yidhi “Arrimaha nabadgalyada  wax ka taraan warbaahinteenu, mise oday meel ka hadlay ayaa umada loo soo gudbiayaa wixii uu ka hadlay, kaas oo nabadgalyada iyo qaranimada khalkhal galinaya soo looma baahna in la yidhaahdo ninii nabadgalyada waxyeelaya meel  ha looga soo wada jeesto mise isaga siyaasada laga dayayaa oo xukuumada ha lagu xumeeyo, ha lagaga faa’iidaysto soo may ahayn qofkaas oo kale ilayn qaranimadii  iyo nabadgalyadii hadyanu wayno saxaafadna shaqayn mayso nabadna la heli maayo.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply