Saynis yahano: Daayeerku Wuxu Adeegsadaa Luqad U Gaar ah

0
409

Daraasad cilmi ah oo dhowaan la daabacay ayay koox culimo saynis yahan ahi cadeeyeen in daayeerku uu awood u leeyahay in mid kastaa kan kale la xidhiidho iyagoo istcimaalaya luqad u gaar , taasi oo mararka qaarkood ka kooban weedho dhamaystiran.   Culimdan ayaa xustay in daayeeradu ay bilaaban qaylo digniin ah oo sida oohinta ah marka ay arkaan xayawaan halis ah oo soo weeraraya si ay isugu ogaysiiyaan. Waxa kale oo ay bixiyaan digniino ay isugu gudbiyaan dhinaca dhulka marka goobtu fogtahay ama habka dhawaaqa kolba inta ay isu jiraan , taasi oo ay isku fahmaan. Warbixintan oo shalay uu daabacay wargeyska Daily Mail ee dalka Ingriiska ayaa intaasi ku daray in culimada daraasadda ay diiradda ku saareen matiijida baadhis lagu sameeyay luqadaha xayawaanka iyo falsafadda “Linguistics and Philosophy” .  Daraasaddan ayaa lagu xaqiijiyay iyadoo baadhis lagu sameeyay daayeero kala duwan oo ku kala nool Ivery Coast ,iyo Sierra Leone. Waxa kale oo saynis yahanadu cadeeyeen in dhawaaqa luqadoodu uu kal kal duwan yahay goobaha ay ku kala nool yihiin laakiinse ay isfahamaan.  (Daily Mail).
 

Leave a Reply