Cisbitaalka Magaaladda Buuhoodle Oo Dib Loo Furayo

0
428

Buuhoodle (DAWAN): Cusbitaalka magaaladda Buuhoodle ee gobolka Buuhoodle ayaa la sheegay in dib loo furayo  horaanta sanadka soo socda, kaasi oo aan shaqayni muddo dhawr iyo labaatan sanadood ah.

 Sida ay sheegeen Hawl-wadeenadda wasaarada caafimaadka  ee gobolka Buuhoodle oo shalay shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Buuhoodle.

 Dadwaynaha  ku dhaqan deegaankaasi gaar ahaana magaaladda Buuhoodle  ayaa si weyn u soo dhaweeyay furitaanka mar kale dib loogu furayo Cisbitaalka Daryeel ee Magaalada Buuhoodle, islamarkaana  ku hamabalyeeyay dedaalka uu u galay furitaanka cisbitalkaasi wasiirka  caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye), oo sheegay in cisbitalkaasi lafuridoono horaanta sanadka .

 Masuuliyiinta cusbitaalka Daryeel ee Buuhoodle ee shirka jaraa’id qabtay oo ka hadlayay arrimahaasi waxay yidhaahdeen “Waxaanu soo dhaweynaynaa furitaanka mar kale dib loogu furayo Cisbitaalka Daryeel, oo mudadii uu xidhnaa dadwaynuhu  tabeen adeegii caafimaad ee uu bixin jiray oo dabooli jiray Magaalada Buuhoodle iyo degaamadda ku dhaw-dhawba, waxaa ku tiumid dadaalwasiirka caafimaadka Somaliland u galay oo aanujecelnahay in aanu ku bogaadino”.

  “Halwlaha gurmadka degdega ah(emergency) , runtii aad iyo aad ayaa loo xadiday oo aan maanta  la odhan karin qof dhiigbax u dhimanaya ayaa Buuhoodle gudaheeda ka jira qofkii tiisu  gasho meeye, iyadoo halwlahaasi gurmadka ay noo sahashay gaadiidka gurmadka degdega Ambulance mar walba diyaar ku tahay islamarkaana bulshada Buuuhoodle lacag la’aan ugu shaqaynayso. Sidoo  kale marshruuca EPGS program  ee sanada 2015 ay hay’ad cusubi ay la wareegayso fadhigeeduna noqon doono Magaalada Buuhoodle sida uu noogu bushaareyay wasiirku”.

Dhinaca kale Mid ka mid ah  dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Buuhoodle ayaa sidan ku cabirey dareenkiisa ku aadan furitaanka  Cisbitaalka Daryeel.   waxaanu yidhi  “illaahay ayaa mahad iska leh maanta waxaan u soo dhaweynaynaa hadaanu nahay degaanka cisbitaalka lafurayo waxaanu ku bogaadinaynaa wasiirka caafimaadka  Somaliland, dedaalka uu u galay sidii mar kale Cisbitaalka Daryeel u bilaabi lahaa howlaha adeega caafimaad”.

 Cisbitaalka Caalamiga ah ee Daryeel ee Magaalada Buuhoodle ayaa la furay sanadkii 2008, waxaa lagu dhisay kharash gaadhaya ilaa Hal Milyan oo dollar, oo uu maalgelintiisa lahaa Dr.  Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye), oo hada ah wasiirka  caafimaadka Somaliland.

 By: Yoonis M.Jaamac

 

 

Leave a Reply