“Mashaariic Aanay Dawladihii Hore Qaban Ayay Xukuumadu ka wadaa Saraar..” Xildhibaan Ebyan

0
445

Caynaba (Dawan): Xildhibaan Maxamed Xaaji Ebyan oo ka tirsan Golaha Deegaanka magaaladda Caynaba, ayaa sheegay inuu si weyn u taageersan yahay guud ahaanba waxqabadka kala duwan gaar ahaana gobolka Saraar  ee  ay dalka ka wado xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Xildhibaan Ebyan, oo xalay telefoonka ugu waramay Dawan, isagoo ku sugan magaaladda Caynaba, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda taladda haysa ay mashariic badan oo horumar ka wado gobolka Saraar, taasi oo uu sheegay in ay ka gole deegaan ah si weyn u soo dhawaynayaan.
Waxa kale oo uu xusay in dawladda hoose ee Caynaba ay mashaariic isugu jira wadooyin, dhismeyaal xarumo xafiisyo ah, dugsiyo iyo waxyaabo kale ka wadaan gobolka Saraar iyo deegaamadda hoos yimaada.
Xildhibaan Ebyan oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ku taagero xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo waxqabadka balaadhan iyo horumarka ay dalka ka samaysay, haddii aanu nahay gobolka Saraar mashaariic faro  badan oo horumar ah ayay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo ka wadaa”.
Waxaanu intaasi ku daray “Anaguna haddii aanu nahay golaha deegaanka Caynaba, maashaariic badan oo horumar ah ayaanu ka wadnaa gobolka Saraar, tuulooyinka hoos yimaadda gobolka waxaanu ka wadnaa nashqadaynta ama banaynta wadooyinka iyo dib u dhis lagu samaynayo. Waxa kale oo aanu wadnaa wadooyink ay ka mid yihiin wadadda u dhaxays Caynaba iyo  Habari heshay” ayuu yidhi xildhibaan Ebyan.
Isagoo ka waramayay waxyaabha  horumarka ah ee ay xukuumadu ka wado gobolka Saraar, kuwa ay yihiin, waxa uu yidhi  “Mashaariic badan ayay  xukuumadu ka wadaa gobolka Saraar, kuwaasi oo aanay qaban xukuumadihii ka horeeyay, xaruntii gobolku way dunsanayd, saldhigii gobolku wuu dunsanaa, runtii labadiiba waa la dhisay oo xukuumadda ayaa dhistay, mashaariicda kale waxaa ka mid ah maxkamadda gobolka, ta  xeer ilaalinta iyo racfaanka intiiba waa la dhisay, waxqabadka xukuumadu ay ka wado gobolka Saraar lama soo koobi karo”.
Dhinaca kale Maxamed Xaaji Ebyan, ayaa u soo jeediyay  dadka dhaliila xukuumadda   inay  hoos u eegaan, isla markaana ay qiraan  waxqabadka ay xukuumadu dalka waddo.“Had iyo jeer waxaan maqlaa dad dhaliila ama dhaleeceeya waxqabadka xukuumadda oo ka  xanuunsada, oo mar kasta dhaleecaynaya horumarka dalka laga wado, dadkaasi waa in ay eegaan oo ay u fiirsadaan waxqabadka xukuumadu dalka ka waddo”.
By: Khadar Cabdi Muuse

Leave a Reply