Dhibaatada Lacagaha Faalsada Ah

0
461

Lacagaha been abuurka ah waxa sameeya kooxo dhaqaale doon ah, iyagoo ku boobaya hantida dalka iyo tan bulshadiisa iyadoon la dareemayn. Mararka qaarkoodna waxa adeegsada dawladaha cadaawadu ka dhaxayso si midba kan kale dhaqaalihiisa u burburiyo taasi oo muujinasa in lacagtu tahay tiir dhaqaale oo muhiim ah.

Dagaalkii weynihii labaad, Sanadkii 1942,  sarkaal ka tirsan dawaldii Naasiga ahayd ee Hitler oo la odhan jiray  Bernhard Kruger  ayaa keenay fikradda ah in la sameeyo lacag been abuur ah oo Giniga Ingriiska si loogu curaayimiyo dhaqaalaha Ingiriiska. Sarkaalkan aya Jeelashii ku yaalay xeryihii ciidamada ee Hitler gaar ahaan xabsiga Auschwitz ka soo ururiyay 140 qof oo Yuhuud ah oo foojariistayaal ahaa (counterfeiters ) aadn u yaqaanay  samaynta waxyaalaha aan asalka ahayn (Faalso).  Waxa kale oo uu ku soo kordhiyay koox kale oo iyana aan Yuhuud ahayn lakiin aqoon u leh Foojariga.  Kooxhan ayaa la siiyay dhamaan wixii ay ka samyn lahaayeen lacagtaasi been abuurka. Waxayna kooxdani ku guulaystay inay soo saarto noodhadhka giniga ah oo  u eeg lacagta asalka ah ee Ingriiska gaar ahaan £ 5, £ 10, 20 iyo £ 50 oo faalso ah. Waxaana la geliyay malaayiin pound suuqyada caalamka si loogu khalkhal geliyo dhaqaalaha Ingriiska.  lacagataasi lagama garan jirin tan asalka ah ee Ingriiska. Warbaahinta dunida aya iyana lacgatasi ku soo bandhigtay riwaayado iyo bandhigyo kala duwan. Waxaana ka mid ahaa Filim caan ah oo lagu sameeyay Austrai 2007. Jarmalka ayaa soo saaray lacag gaadhaysa £ 810, 610, 134 oo Pound. Samaynta Lacagahaasi Foorjariga ah aya iska sii socday ilaa wakhtigii la xidhay xabsiyadii ciidamada Jarmalka 1945-kii.  Lacagta ayaa faalso noqonaysa (Noodh , Qadadiic, Electronig) marka ay suuqa soo gasho laguna isticmaalo iyadoon wadan nidaam sharci oo waafaqsan kan lacagaha ee dawladda iyo bangigaga dhexena ogol yihiin kuna ansixiyeen, taasi oo dhibaatadeedu saamaynayso bulshada guud ahaan, halka kooxda adeegsatay ay dhaqaalihi dhiiga ka nuugayso kuna naafaynayso. Wuxu ahaa hawlgalkii ugu weyn ee forjari ah ee dunida ka dhaca.
 

Leave a Reply