Arday Aflagaadeeyey Madaxweyne

0
407

Booliska dalka Turkiga ayaa xidhay will 16 sano jir ah oo dhigta dugsiga sare waxaana lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, wiilkan ayaa la xidhay kaddib markii uu ku eedeeyey madaxweyne Erdogan iyo xisbigiisa talada haya ee AK musuqmaasuq, khudbad uu ka jeediyey isu soo bax ka dhacay bartamaha magalada Anatolia.
Ra’iisalwasaaraha Ahmet Davutoglu ayaa difaacay xeriga wiilkaasi waxa uuna sheegay in ixtiraam uu mudanyahay xafiika madaxweynaha.
Waa dambi in la aflagaadeeyo madaxweynaha Turkiga sida uu dhigayo dastuurka, waxaana suurtagal in ardeygaasi la xiro mudo afar sano ah haddii dambigaasi lagu helo.
 

Leave a Reply