“Waxa La Is Sharixi Karaa Uun Marka Komishanku ay Mudeeyaan Wakhtiga Doorashadda”

0
423

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay In Aanay Qaabili Doonin Musharaxiin Beello u Soo Gudbiyaan

 

 

 

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha xisbul xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay xisbi ahaan aqbali doonin  beel qof murrashax ah u soo gudbisa xisbigaas, xiligan  oo uu tilmaamay in aanay dhawayn doorashooyinkiiba.

 

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in murrashaxiintu ay is sharixi karaan uun  marka Komishanka doorashooyinka qaranku ay iclaamiyaan wakhtiga doorashooyinka la qabanayo.

 

“Waxaanu sheegaynaa  Ma qaabilayno oo  naloo keeni karo Murrashaxiinta is sharaxaya ee beeluhu sharaxayaan, waayo xiligan ma dhowa doorashooyinkii, waxa la is sharixi karaa uun marka Komishanka doorashooyinka qaranku ay mudeeyaan wakhtiga doorashadda,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo khamiistii ka hadlayay shirweynihii shanaad ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

 

Hadalka Guddoomiyaha KULMIYE ayaa ku soo beegmay xili ay dad aad u badani ay daboolka ka qaadeen inay u tartamayaan doorashada Goleyaasha Wakiiladda, kuwaasi oo beryahanba magaalooyinka waaweyn ee dalka ku qabsanayay  xaflado la soo qadamay oo sharciga baal-marsan.

Leave a Reply