Nin Yemen U Dhashay Oo Toogtey Sidii Uu Gabadh U Mehersanayd Ugu Qanciyo Guur

0
367

Wiil u dhashay dalkaasi Yemen ayaa sameeyey dhacdo ku cusub dalkaasi Yemen, taas oo ahayd inuu is  toogto, isaga oo gabadh u doonanayd usoo jeediyey inuu guursado laakin ay ka diiday, taasina waxay keentay in si uu ugu qanciyo arrintaasi inuu is toogto.
Wiilkan ayaa xabad isku dhuftay isaga oo ku sugnaa xaafada aabihii oo ku taala xaafada lagu magcaabo Xayi Sabciin oo ku taala badhtamaha magaalada caasimada ah ee Sanca.
Dadka xaafada ayaa sheegay  inuu wiilkaasi tegey guriga  adeerkiis, isaga oo ka codsaday in la xaliyo dhibaatadan, sidoo kalena waxa uu tegey guriga inanta caruusada ahayd, taasna uu kusoo guul daraystay, taasina ay keentay inuu Madaxa iska toogto.
Reerka gabadha dhalay ayaa ka codsaday gabadhaasi inay ogolaato guurka wiilkaasi ,laakin kamay yeelin arrintaasi, wixii intaasi ka dambeeyeyna waxa uu Madaxa iskaga dhuftay dhawr xabadood ,isaga oo isticmaalaayey bastoolad uu haystay.
Wiilkan ayaa loola cararay dhakhtarkii ugu dhowaa ,iyada oo ay dhakhaatiirtu ku guulaysteen inay badbaadiyaan nafta wiilkaasi, waxaanu da’ahaan ahaa wiilkaasi 20 sanno jir.
Warkan ayaa lagu qoray bogaga hore ee wargeysyadda kasoo baxa dalkaasi Yemen,sidoo kalena ahaa sheekada ugu hadal haynta badan ee dalkaasi laga hadal hayey toddobaadkan.
Dawlada dalkaasi Yemen ayaa ah dawlad kamid ah dawladaha Carbeed ee ay dadku ehel ahaanta isu guursadaan,iyada oo taasina keenta dhibaato xanuuno u badan,waxaana hablaha inta badan loo dhisaa inaadeerkeed ama inaabtigeed,iyada oo mararka qaarkoodna lagu khasbaayo.

Leave a Reply