Madaxweynaha Ruushka ayaa 25/12/2014, ku amaray madaxda dalkiisa in qiimaha foodka hoos loo dhigo. Butin aya intaasi ku daray in qiimaha Foodka ee kor u kacay uu kordhinayo inuu bato wax soos saarka spiirtada lagu sakhraamo ee qaaliga ah.
Daraasad ay samaysay Jaamacadda Dawliga ah ee dalkaasi ayaa cadaysay in raga Ruushka ah 25% ay dhintaan iyagoon gaadhin da’da 50 sano, taasin ay sabab u tahay istcimaalka spiirtada iyo foodkaha. Qiimaha nus litirka foodka aha ayaa sanadkii hore ahaa 220 Rubi oo dhiganta 4 doller. Waxaana xukuumadu sheegtay inay samayn doonto qiime dhimis dhinaca foodkaha ah. Dhibaatada haysata dalalka Yurub ayaa ah in dhibaatada haysata ku bedalaan dhibaato kale.