Ciidamada NATO oo ka baxaya Afghanistan

0
415

Ciidammada caalamiga ah ayaa si rasmi ah uga baxaya dalka Afghanistan, waxaana intii muda ah la diyaarinayay ciidammada Afghanistan ee buuxinaya booskooda, iyaga oo gacan ka helaya kumannaan la taliyayaal ah oo NATO ay ku reebi doonto dalkaasi.
Xaflada xil wareejinta ayaa ahayd mid taariikhi ah.
Taliyaha ciidammada caalamiga ah ee Afghanistan ku sugan, General John Campbell, oo u dhashay dalka Mareykanka, ayaa khudbadii uu munaasabada ka jeediyay ku ammaanay askarta baxaysa.
Waxa uu ku tilmaamay geesiyaal mugdiga ka saaray shacabka Afghanistan, rajo wanaagsana u iftiimiyay.
Waxa uu intaa ku daray in dadaalkooda uu dhaliyay in ay nabad iyo xasilooni ku seexdaan shacabka dalalkooda.
Balse khatarta Taliban ayaa ah mid weli taagan, waxaana laga dhur sugayaa sida ay ciidammada Afghanistan u hanan karaan ammaanka lagu wareejiyay.
 

Leave a Reply