Libya: Diyaarado weeraray mucaaradka

0
419

Wararka ka imaanaya Libya ayaa sheegaya in ciidamada daacada u ah dowladda ay markii ugu horaysay ay qaadeen weerar cirka magaalada Misrata. Waxay saldhig u tahay maleeshiyo xoog leh.
Gagida diyaaradaha iyo warshad birta ayaa la weeraray. Weerarka ayaa yimid kadib markii mintidiinta isbahaysiga Libya Dawn ay ku soo rideen madaafiic dekad shidaalka laga dhoofiyo ee ugu muhiimsan waddanka, iyagoo dab qabadsiiyay dhowr booyad oo shidaal uu ku kaydsan yahay.
Isbahaysiga Dawn ayaa qabsaday magaalo madaxda bilo ka hor iyagoo ka sameeyay dowlad kale.
 

Leave a Reply