“Somaliand Waxay Doonaysaa Oo ay Miiska Soo Dhigaysaa Inay ka Go’do Soomaaliyadii ay Wax Iskugu jiri Jireen”

0
339

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha dibadda  ee Golaha Wakiiladda Somaliland Axmed Cabdi Kijaandhe,  ayaa sheegay in  wada hadalada bisha February ee sanadka 2015-ka  ku dhex mari doona dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya lagaga wada hadli doono sidii ay  u kala go’I lahaayeen labada dal.
Xildhibaan Kijaandhe ayaa sidoo kale shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay ilaaliyaan midnimadda iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana ay meel uga soo wada jeedsadaan wixii dhibaato ku keenaya qaranimada dalka.
Axmed Cabdi Kijaandhe oo shalay u waramayay Wargeyska  DAWAN ayaa ku tilmaamay tallaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday   wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu  xusay  in xukuumaddu u xilsaaran tahay  inay wada hadal la furto Soomaaliya.
Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shirkii  Jabuuti ka dhacay wax midnimo ah oo labada madaxweyne ka wada hadleen ma jirto, waxaanan ka mid ahaa dadkii soo diyaargareeyay ajandaha laakiin waxa lagu heshiiyay masiirka Somaliland iyo Soomaaliya arrinkoodu waxa uu noqonayaa in lagaga wada hadlo shirka soo socda ee dhici doona February 16, kaas ayaa lagaga hadli doonaa.”
isagoo hadalkiisa sii watayna  waxa uu yidhi “Waxa weeyi  in aan laga wada hadlo oo aan laga xishoon oo aan laga baqan oo aan cuqdad noqon Somaliand waxay doonaysaa inay ka go’do Soomaaliyadii ay wax iskugu jiri jireen oo 25 sanadood ay kala maqnaayeen, waxba iskuguma jiraan, markaa waxa laa wada hadlayaa sidii ay u kala go’I lahaayeen labada dal, xukuumada ayaana loo doortay inay ka shaqayso hawlahaas barnaamijkii  oo lalahaa ee xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi haddii aanu dawladnimada helno waanu la hadlaynaa Soomaaliya  ka carari mayno oo shirarka ugaga carari mayno ka baqan mayno in Somaliand iyo Soomaliya wada hadlaan, fikrada qaldan ayay xukuumada Kulmiye jabisay oo ahayd  lala hadli maayo Soomaaliya wax aan laga wada hadlin ma jirto jiritaan kale ayuun baan laga wada hadlin, markaa arrinka ay meesha ka saartay ee guusha ah waxa weeye in ay yidhaahdaan waa la wada hadlayaa oo shirarka dantayadu ku jirto uga carari mayno Soomaaliya, waanu tagaynaa waxaanan u arkaa talaabo wanaasan.
Dhinaca kale Xildhbaan Kijaandhe waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay adkeeyaan midnimada iyo jiritaanka Somaliland.
“Shacabka Somaliland waxa aan ugu baaqayaa inay midnimada iyo jiritaanka Somaliland adkeeyaan in ay noqdaan dad meel u wda jeeda oo qabyaalda iska daayaan oo dalkooda ilaashadaan, cadaw badan ayaa inagu xeeran” ayuu yidhi xildhibaan Kijaandhe.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply