Dayaaraddi AirAsia oo la Helay Burburkeedii

0
371

Masuuliyiinta Indonesiya ayaa xaqiijiyay in burbur iyo maydad laga helay badda  Java ee ka baxsan  Borneo ay yihiin kuwo ka yimi duulimaadkii dayaaradii shirkadda  AirAsia  QZ8501 ee hawada laga waayay Axaddii.
 Tony Fernandes oo ka tirsan shirkadda  AirAsia ayaa ku macneeyay warkaasi inuu ahaa masiibo ku habsatay.
Madaxweyne  Joko Widodo ayaa u sheegay warbaahinta inuu u tilmaamay kooxaha baadhitaanka wada inay diiradda saaraan sidii ay u heli lahaayeen rakaabkii iyo shaqaalihii.
Dayaaradda burburtay oo ahayd Airbus A320-200, ayaa siday 162 qof oo ka yimi  Surabaya – Indonesia, una socday  Singapore, markii la waayay Axaddii.
Madaxa kooxda hawlgalka baadhista, Bambang Soelistyo, ayaa   sheegay in ay heleen ilaa saddex mayd ah oo aanay ahayn sidii hore loo shaaciyay 40.
Maalintii saddexaad ee baadhista ayaa la helay burburka. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda wax haatan lagu mashquul yahay hawlgalkii.

Leave a Reply