Wakiillada Oo Ansixiyey Xeerka Dib u Habaynta Shuruucda Dalka

0
419

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee golaha wakiillada oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaas Baashe Maxamed Faarax waxay cod ku meel-mariyeen xeerka aasaasida komishanka dib-u- habaynta shuruucda  Xeer Lr.66/2014. Xeerkan waxakaabis iyo wax-ka-bedel ku soo sameeyay.
Xog-hayaha guud ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa waxa uu xildhibaannada sharaxaad ka siiyay sida ay golaha guurtidu wax-ka-bedelka ugu sameeyeen xeerka.
Xeerkan ayaa intii aan si duuduub ah cod loogu qaadin waxa qodobadii uu ka koobnaa w loogu codeeeyay qodob qodob.
Shirgudoonka  ayaa xildhibaannada ku wargaliyey in cod loo qaadi doono xeerka si duuduub ah. Madasha fadhigan ayaa waxa ka soo xaadiray 48-xildhibaan oo ka mid ah. oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay golaha wakiiladu.
Cod qaadis ka dib waxa ogolaaday 41 xildhibaan, waxa ka aamusay 6 xildhibaan, cid diiday may jirin. guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayuuna ku ansaxay xeerka aasaasida komishanka dib-u- habaynta shuruucda  Xeer Lr.66/2014.
Xeerkani waxa uu kaalin weyn ka qaadan doonaa sidii hay’adda dib-u-habaynta shuruucda dalka oo loo xil saaray in ay wax-ka qabtaan xeerarka dalka u yaala ay u qabyo tiri lahay shuruucda qabyada ah.
Xeerkan aasaasida komishanka dib-u- Habaynta shuruucda  Xeer Lr.66/2014 ee ay golaha wakiilladu ansixiyeen ayaa waxa uu si rasmi ah u dhaqan-geli doonaa marka uu saxeexo madaxweynaha jamhuuriyadda Somalialand.
Golaha wakiillada ayaa waxay u balameen in fadhiga maanta ay cod u qaadi doonaan xeerka booliska, kaasoo kasoo noqday madaxtooyada.
Fadhigan ayaa ahaa kii 20-aad ee kalfadhiga 26-aad oo ay xildhibaannada golaha wakiilladu ku gudo jiraan qodobadiisii.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply