Maxkamad ku taal Ruushka ayaa afar wariye ku xukuntay min shan sano iyo badh oo xadhig ah ka dib markii lagu helay “xagjirnimo” oo lala xiriiriyay inay la shaqeynayeen urur uu aasaasay hoggaamiyihii mucaaradka ee Alexey Navalny .
Antonina Favorskaya, Konstantin Gabov, Sergey Karelin iyo Artyom Kriger ayaa Salaasadii maxkamada degmada Nagatinsky ee magaalada Moscow ku heshay danbi ah inay la shaqaynayeen koox ay masuuliyiinta Ruushku u aqoonsadeen inay yihiin xagjir.
Afarta qof ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay, iyaga oo ku adkeysanaya in lagu ciqaabayo gudashada waajibaadkooda saxafinimo.
Xukunka ayaa ah cutubkii ugu dambeeyay ee howlgallada ballaadhan ee Ruushku ku hayo mucaaradka – dadaalkaas oo sii xoogeystay tan iyo markii Moscow ay billowday duullaankeeda ballaaran ee Ukraine bishii Febraayo 2022.
Maamulka ayaa si adag uga soo horjeestay dhaleeceynta Kremlin-ka, oo ay ku jiraan mucaaradka siyaasadeed, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo saxafiyiinta madaxa banaan. Boqolaal qof ayaa xabsiga loo taxaabay, kumanaan ayaa ka qaxay dalka iyaga oo ka baqaya in dacwad lagu soo oogo.
Favorskaya iyo Kriger labaduba waxay xidhiidh la lahaayeen SotaVision, oo ah warbaahin caan ku ah diiwaan gelinta mudaaharaadyada iyo dacwadaha maxkamadda. Gabow, oo ah soo-saare madax-bannaan, ayaa la soo shaqeeyay dhowr kooxood oo warbaahineed oo caalami ah, oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee Reuters. Karelin, oo ah wariye muuqaal ah oo madaxbannaan, ayaa wax ku biirisay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Dacwad oogayaasha ayaa afartan qof ku eedeeyay in ay ku lug lahaayeen Hay’adda Navalny ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa, kaas oo la mamnuucay laguna tilmaamay xag-jir sannadkii 2021-kii – tallaabadaas oo ay dhalleeceyayaashu ku cambaareeyeen mid siyaasadaysan.
Navalny, oo muddo dheer loo arkayey inuu yahay dhaleeceynta ugu weyn ee Madaxweyne Vladimir Putin , ayaa caan ku noqday baadhitaannada musuqmaasuqa ee dowladda. Waxa uu dhintay bishii Febraayo 2024, isaga oo 47 jir ah, isaga oo 19 sano ah ku xukumayay xabsi fog oo Arctic ah, oo lagu helay eedeymo badan ayaa sheegay in loogu talagalay in lagu aamusiyo.
Favorskaya ayaa sheegtay in maxkamad hore oo dadweynaha u furan in lagu dacweeyo sheeko ay samaysay oo ku saabsan xadgudubka Navalny oo ay kala kulantay xabsiyada. Iyada oo la hadlaysay wariyeyaasha ka soo baxay qafiska eedaysanayaasha ka hor xukunka, waxay sidoo kale sheegtay in lagu ciqaabay inay gacan ka geysatay abaabulka aaska Navalny.
Gabov, ayaa hadal xidhitaan ah oo loo diyaariyay maxkamadda oo uu daabacay wargeyska madaxa banaan ee Novaya Gazeta, wuxuu ku sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, xeer ilaalintuna ay ku guul darreysatay inay caddeyso.
“Si fiican ayaan u fahamsanahay … dalka aan ku noolahay waa noocee ah. Inta lagu jiro taariikhda, Ruushku waligiis kama duwana, ma jiraan wax ku cusub xaaladda hadda,” Gabov ayaa ku yidhi bayaanka. “Saxaafadda madax-bannaan waxay la mid tahay xagjirnimada.”