Dawladda Gaambiya oo Dafirtay Inqilaab lagu Qaaday

0
406

Dawladda Gaambiya ayaa dafirtay inuu jiray iskuday lagu afgambiyayay madaxweyne Yahya Jammeh oo ku maqnaa dibadda. Hadal laga baahiyay raadyowga dawladda ayaa sheegay war ka soo horjeeda kii la isla dhexmarayay iyo in ay ka jirto degganaansho dalkaasi ku yaal galbeedka Afrika.
Hub culus ayaa ka qarxay agagaarka qasriga madaxtooyada.
Mr Jammeh ayaa laftiisu ku qabsaday awooda inqilaab sannadkii  1994, waxaana lagu dhaliilaa inuu gacan bir ah ku hayo xukunka.
Wararka laga helayo Diplomasiyiinta iyo  militariga ayaa sheegaya in ay u muuqato inay ilaalada madaxtooyadu qaadeen weerarka la sheegay qasriga madaxtooyada ee caasimada  Banjul saacadihii hore ee Salaasadii. Madaxweyne Yaxya ayaa ku guulaystay afar doorasho oo la sheegay inuu ku shubtay.
 

Leave a Reply