CHINA: Maxkamad Ku Wareertay Kiis Ay Qaaday

0
372

Maxkamad ku taala dalka Shiinaha ayaa soo saartay go’aan ay magdhaw ku siinayso qoys wiilkoodii ay hore dil ugu fulisay. Qoyskan ayaa la siinayaa magdhaw dhan 2.05 oo lacagta Shiinah ah, una dhiganta nus malyuun doller. Wiilkan ayaa la dilay sanadkii 1996 wakhtigaasi oo lagu eedeeyay inuu gabadh kufsaday ka dibna dilay. Wiilkan oo da’diisu ahayd 18 jir ayaa waalidka dhalay tan iyo mudadaasi ay wadeen kiiska wiilkooda. Waxaanay sheegn waalidku inay aqbleen magdhaw laakiin ay ka muhiimsan tahay in la ogaado in aanu wiilkoodu gelin denbigii loo dilay. Sanadkii 2005 ayuu nin kale qirtay inuu galay denbigaasi isagoo cadeeyay inuu kufsaday ka dibana dilay gabadhaasi kiiskeeda lagu qaaday wiilkan. laakiin ilaa maanta maxkamadii ayaan kiiskaasi qaadin, iyadoo yaab iyo wareer ku noqotay in kiis qof loo dilay haddana uu mar labaad soo noqday.

Leave a Reply