Muxuu U Taagan Yahay Magaca Mafai?

0
452

Dad badan ayaa og in magaca Maafiyo uu ka soo jeedo Jasiiradda Sicily ee dalka Talyaniga, laakiin ma garanayaan asal ahaan waxa magacan loo bixiyay. Warbixinaha reer Galbeedka ayaa sheega in magacani uu ka soo jeeda eray carabi ah oo macanihiisu yahay kii faanka iyo kibirka badnaa ama erayga ah ka wanaagga neceb. Weliba intaasi wayba sii dhaafiyaan oo waxay sheegaan in dhaqanka ka jira Tuuladan iyo Kooxaha Maafiyadu uu yahay mid ka soo jeeda bulshada Carbeed ilaa xad iyagoo sheegay in sida ay ula dhaqmaan dumarka kooxaha Maafiyada iyo dadka Tuuladu ay aad ugu eeg yihiin kan Carabta , iyagoo dumarka ka fogeeya arrimaha raga, kuna kooba guriga iyo weliba aar gudashada oo ay ku dhiiran yihiin taasi oo ahayd dhaqan Carbeed. Waxa kale oo ay sheegeen in sida ay u weyneeyaan qoyska iyo qabyaaladu uu yahay dhaqan Carbeed.
Laakiin arimahaasi ayaa markiiba la beeniyay markii la cadeeyay in aanay Carabi weligeed xukumin Tuuladan qarni hore iyo mid danbe toona. Waxaan iska cad in dadka tuuladani ay ahaayeen kuwa xukuma dhulkooda ilaa qarniyo hore.
Dadka degan tuuladan ayaa iyagu qaba fikraddan mid ka duwan waxaana ay aaminsan yihiin  in magacani ka soo jeedo sheeko fog oo qadiimi ah kaasi oo taagan tahay halkudhega ah “Morte Alla Francia, Italia Avanti ”  oo laga soo gaabiyay erayga MAFIA kaasi oo macnihiisu yahay “ Faransiis ha dhinto, Talyaaniguna ha sareeyo” Waxaana uu ahaa halkudh la isticmaali jiray wakhtigii uu Faransiisku xukumayay boqorkii Ango qarnigii 13aad .
(La Soco).

Leave a Reply