Taliyaha Booliska oo Baaq Ammaanka ku Wajahan u diray Shacbiga

0
363

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka Hadlay Dhallinyarro falal amni darro ka sameeyay Gudaha Caasimada Hargaysa halka uu sidoo kalena Fariinta Sannadka Cusub ee 2015 u diray Shacabka Somaliland.
 
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo shalay waraysi gaar ah siiyay warbaahitna qaranka ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay nabad-gelyada meel uga soo wada jeestaan isla markaana ay wada shaqay fiican u muujiyaan ciidamada Booliska Somaliland.
 
Taliyaha Ciidamada Booliska Somalialnd isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sida aad la socotaan waxaa kowsaday sannadka cusub ee 2015-ka, ILAAHAY khayrkiisa ha ina siiyo, intaa waxaan ku darayaa waxaan halkan hambalyo uga dirayaa ciidamada booliska.
Ciiidamada Boolisku waa danjire habeen iyo maalin heegan ugu jira nabadgeliyada iyo jiriitaanka qarankan, habeen iyo maalin waxa ay heegan ugu jiraan ilaalinta nafta iyo maalka bulshada reer Somalilnd iyo guud ahaan qarnka Somaliland xasilinta nabaddiisa.”
 
Taliyaha Booliska, waxa kale oo uu ka hadlay dhalinyarro rabshado ka sameeyay magaalooyinka dalka oo ay ciidamadu boolisku xidh-xidheen, sidoo kale waxa uu farriin adag u diray gaadiidlayda basaska ee qaada arruurta dhigata iskuulada kala duwawn ee dalka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa weeye niman dhalinyarro ah oo ciidamada boolisku ay kula jiraan dagaal, waa dhalinyarada kooxaha u dagaalama, kuwaas oo had iyo jeer dhibaateeya bulshada. Haddii aan idiin yara taabto sannadkii la soo dhaafay illaa shan boqol iyo dheeraad ayaa ciidamada boolisku ka qabteen dhalinyaradaas, oo caadaystay in ay boobaan dadka ama ay koox koox isu dilaan, taas ciidamada boolisku waxa ay  ku jiraan hawl-gallo dheeraad ah oo joogto ah oo wax lagaga qabanayo dhalinyaradaas.”
Taliyuhu  waxa kale oo uu ka hadlay baabuurta yar yar ee loo yaqaano Tukhaanka, kuwaasi oo farriin adag u diray waxaanu yidhi “waxa jira baabuurta yar yar Tukhaanka oo qaarkood ay ciidamada boolisku falal ku qabteen, baabuurta yar yari ma wada xuma laakiin waxaa jira qaar aanu falal ku qabanay iyo qaar daba-gal lagu hayo. Guud ahaan gaadiidlayda waxaan u soo jeedinayaa in ay ilaaliyaan sharciga waddo marista, gaar ahaan waxaan la dardaarmayaa baabuurta basaska ah ee gura caruurta dhigata iskuulada, waxaan uga digayaa in ay ku socdaan xawaaraha aadka u dheereeya, ciidamada nabadgeliyada waddooyinkana waxaan farayaa in ay tallaabada ugu adag ka qaadaan gaadhiga sida caruurta iskuulada isaga oo ku soconaya xawaare dheer, maamulayaasha iskuuladana waxaan u soo jeedinayaa in ay iyaguna tallaabadaas kala hadlaan wadayaasha basaska.
By. Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply