“Xildhibaanada Dadkii Soo Doortay Bay Ku Mashquuleen, Waayo waxa Soo Dhow Xiligii Doorashada”

0
340

Hargeysa (Dawan) –  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Xildhibaanadda ugu baaqay inay si joogto ah uga soo xaadiraan fadhiyadda Golaha Wakiiladdu yeesho.
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad oo  shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay xadhigii dhawaan loo geytay Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Boorama, waxaanu sheegay in Xildhibaanu uu leeyahay Xasaanad lagu soo doortay.
 
 
Ugu horayn Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha  Wakiiladda oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Waxa loo baahan-yahay inay Xildhibaanaddu ka soo xaadiraan fadhiyadda Golaha, maalmihii dhaweyd-na laba fadhi bay kooram la’aani dhacday horena wey iskaga dhic-dhici jirtay, laakiin Xildhibaanadda waanu ka wadda-hadalnay in Golaha si caadi ah loo yimaaddo, wakhti yar-baa hadhay Shuruuc-badanina wey taalaa oo u baahan in dhakhso loo dhamaystiro,  markaa waxaanu ku dadaalaynaa Goluhu maalinta Axada ayuu furmayaa oo hawshiisii caadiga ahaa bilaabayaaa, Xildhibaanaddana waxaanu ku wadda-hadlayn in si caad ah loo yimaaddo Golaha. Xildhibaankii saxeexa Buuga ee iska noqada waxa loo arkayaa Xildhibaan maalintaasi maqan.”
Guddoomiye Baashe waxa uu intaas ku daray “Dadkii soo doortay  baa Xildhibaanadda daba socda, subixii markay soo shaqo-tagaan waxaad arkaysaa Xildhibaani tiro badan oo loogu imanayo Golaha oo muraado laga leeyahay, wakhtigii Doorashadda ayaa soo socda markaa Xildhibaanaddu xooga waxay saareen dadkii soo doortay oo wixii ay u qaban-karaan inay u qabtaan, waayo xili Doorasho ayaa soo socda oo dadkii soo doortay. Waanad ogtihiin dad badan oo Doorasho doonaya ayaa jira ,markaa waxaan u arkaa inay ku mashquulsan-yihiin sidii Goboladdii laga soo doortay ay wax ugu qaban-lahaayeen.”
 
 
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladda waxa uu ka hadlay  xadhigii laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Boorama oo dhawaan ay Ciidamadda amaanku xabsiga u taxaabeen, waxaanu yidhi “Xildhibaanaddu Xasaanad-bay leeyihiin, laakiin haddii la qabto isaga oo dembi ku jira waa la qabanayaa, laakiin sidday tahay waxa weeyaan in la dhawro Sharciga oo Qofkii Xasaanad leh Xasaanaddiisii la dhawro . Waa in Xasaanadda laga qaadaa haddii la doonayo in la xidho oo Golaha deegaanku ay dib ugu noqdaan, laakiin waa in la ilaayo Sharciga, ama ha ahaado Xildhibaan ama Qof caadi ah waa in Sharciga la dhawro.”
Dawanews Hargeysa office

Leave a Reply