Waran Cadde Oo Soo Saaray Awaamiir Cusub Oo Kor Loogu Qaadayo Bilicda Magaalooyinka

0
361

 By: Yoonis M.Jaamac

 

 

Hargeysa(DAWAN):  Wasiirka  arrimaha  gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa soo saaray amarro  cusub  oo ku wajahan Bilicda  magaalooyinka dalka.

 

 Waxaanu wasiirku  faray dhammaanba maayarrada magaalooyinka  dalka in ay ka shaqeeyaan isla markaana xooga saaran illaalinta bilicda magalooyinka.

  Cali Warancade, oo shalay shir jaara’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu ka hadlay sida ugu haboob ee ay hawlaha uu soo saaray ay ku hirgelayaan iyo cida leh masuuliyadaha fulinta qorsheyaashaasi.

 

 

 isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay wasaaradda arrimaha gudaha  iyo hay’adaha hoos yimaada ee ay ugu horeyaan dawladaha hoose ee gobalada iyo degmooyinka dalka in aanu halkan maanta (shalay) uga jeediyo in  sanadka cusub 2015  ee inoo bilaamaya aanu xooga saarno laba arrimood oo kala ah bilicda iyo quruxinta magaalooyinka dalka.”

 

“Runtiina nadaafada iyo bilicdu waxa ay ka mid yahiin wax-yaabaha lagu qiimeeyo bulshooyinka caalamka ku nool waxaana ay ku turjuntaa marka ay dadku ku nool yahiin meelo nadaafadeedu sareyso bulshadaas kartidooda markaas waxaan halkan saaka ka soo saarayaa wareegto  isla markaana aan u baahiyo iyada oo qoraal ah iyo iyada oo af ahba dhaamaan gobalada dalka iyo maayarada degmoyinka isla markaana uu sanadkani uu noqdo mid aynu xooga saarno xaga nadaafda iyo bilicda gobalada dalkeena oo dhan” ayuu yidhi  wasiirka Cali Warancade.

 

 Wasiirku waxa uu faray in la fuliyo hawshii hore ee aheyd in qof waliba gurigiisa hortiisa uu dhigo marmar isla markaana ay nadiifiyaan meheradahoodda hortoodda.

 

Waxaanu yidhi “Waxaan sidoo kale aan  ku amrayaa dhamaan dawladaha hoose ee dalka in la fuliyo hawshii hore ee aheyd in qof waliba gurigiisa hortiisa uu dhigo marmar isla markaana ay nadiifiyaan  isla markaana nin waliba uu xaadho gurigiisa hortiisa sidoo kalena dawlada hoose ay iyaduna dhinaceeda xaadho  si ay magaalooyinkeenu u noqdaan qaar  nadaafadoodu  aad u sarayso” .

 

Sidoo kale Warancade,  waxaa uu sharaxaad ka bixiyay qodobo ka mid ah amarada uu soo sooray si ay dadwaynuhu u fahmaan oo ku aadan isu socodka magalada Hargeysa. Kuwaasi  oo uu sheegay wasiirku in  mudooyinkan dambe uu culays badani ka taagnaa gaar ahaana xagga isu socodka Saxmadda  ay sababaan  gaadiidka oo ku soo badanaya magaalooyinka.

 

Waxaanu   yidhi “Magaalooyinkeena waxa  ku soo batay gaadiidka waxyaabo badan  oo noqday mid adag isla markaana kaliftay in aan laysku socon Karin,   oo qofkii shaqo ku deg degayay ama caruurtii dugsiyadda  la geenayay ay dhibaato badan kala kulmeen.  sidaas tarteed waxaanu amar ku bixineynaa  in labada wado ee ay mid tahay ta hor marta madaxtooyada ee labada dhinac ba loo socdo in dhinac uun loo socon doono oo dhinca qorax u dhaca ay baabuurtu u socon doonan waxii  todobaadkan ka danbeeya   dawlada hoose iyo ciidamada wadooyinku ay ka gudan doonan wajibaadkooda”.

 

 

 

Waxaanu intaasi ku daray “Baabuurta u socota dhinaca  magaalada ama qorax ka soo baxa waxaa ay mari doonan oo ay isticmaali doonan wadada  xaga  danbe ka marta cisbitaalka weyn ee magaalada hargaysa  labaadsi wadana waxaa ay ku kulmi doonana laba meelood  oo ah hotel guuled oo dhinca galbeed ah iyo kaalinta ina galan oo dhinca bari ah  markaasi labadaasi wado waxaa ay noqon doonan in wado waliba ay midna qorax u dhaca u socta midna qorax ka soo baxa u socota. Sidaas tarteed aniga oo tixraacaya xeerka wadooyinka ee xeer 56/2013 qodabkiisa kowaad waxaan leeyahay sidaasa ayuu u fuli doonan oo waxaa fulin doona haa’yadaha ku shuqul leh waxaanan halkan mar labaad aan baaq ugu dirayaa in maayarada dalku ay si deg deg ah u fuliyaan “.

 

 

 

Leave a Reply