Kulan Lagu Gorfaynayo Dejinta Siyaasada Horumarinta Lamaanaha Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
549

By. Axmed M. Saleebaan

 

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shugri Xariir ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furtay Kulan ballaadhan oo lagu gorfaynayay qorshaha shanta sannadood ee soo socda ee horumarinta siyaasadda arrimaha horumarinta lamaanaha.

 

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxa ka  qayb qaadanayay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, agaasimayaasha  guud ee wasaaradaha kala duwan ee dawlada, ururada haweenka,  xafiiska hay’adda xuquuqda aadamaha Somalialnd, daneeyayaasha arrimaha xuquuqda haweenka,  iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada  ahna ku simaha wasiirka wasaaradada shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, ayaa si qoto dheer u sharaxday ahmiyada ay bulshada u leedahay dejinta siyaasada horumarinta lamaanaha, isla markaana iftiimisay siyaasada ay xukuumada Somaliland ka leedahay kobcinta iyo kor u qaadista lamaanaha, waxaanay sheegtay in ay bulshada waajib ku tahay in la ilaaliyo xuquuqda guud ee bulshada, waxaanay tidhi “Waxaa la doonayaa dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha bulshada, caafimaadka, amnigii iyo nabadgelyadii, waxaas oo dhan in uu ka jawaabo ayuu doonayaa, waxaas oo dhan haday kala maqnaadaan dhedig iyo laboodku oo ay labadoodu ku kala maqan yihiin talada meel uu baa daloosha.”

 

Marwo Shugri Xariir Ismaaciil waxa kale oo ay intaa raacisay “Dawlada Somaliland way gudbisay oo way ogolaatay in la helo siyaasad lagu hagayo lamaanaha Somaliland oo horumarkiisa lagaga hadlayo, waxaynu leenahay hay’addihii xuquul iinsaanka, waxaynu leenahay hay’adihii kale ee maamulka ee dawliga ahaa, waxaynu u baahanahay markaa in aynu ka shaqaysiino qorshahaas ay xukuumaddeen ansixisay.”

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland mudane Maxamed Muuse Galaydh oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada ay leedahay in laga wada qayb qaato qorshahani, isaga oo iftiimiyay in qorshan fulintiisa ay qayb wayn ku leeyihiin agaasimayaashsa guud ee wasaaradaha dawlada ee ay khusayso.

Leave a Reply