“Waxa Jira Musharixiin Casuumado Samaynaya, Haddana ku Dhawaaqaya In Madaxweynuhu Musharax Yahay”

0
355

“Casuumadaha yar-yar  Ayaa Qarinaya Wax-qabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo”

 

Bye: Siciid M. Askar

 

Stockholm, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cakuse) oo in muddooyinkii u dambeeyay ku maqnaa waddamada Yurub ayaa ka hadlay loolanka musharaxnimo ee wasiirrada maaliyadda, arrimaha dibadda iyo guddoomiye xisbiga Kulmiye.

 

Wasiir Cukuse oo la hadlayay  jaaliyadda ku dhaqan dalka Sweden oo ku sugan yahay ayaa ku tilmaamay loolankaas iyo casuumaddaha ay muddooyinkii u dambeeyay samaynayeen masuuliyiintaasi arrin dhaawacaysa waxqabadka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. “Kulmiye wuxuu noqday xisbi cudud weyn, markuu miisaanku kugu batana, waxaa laga yaabaa inaad adigu is-jebisid, laakiin waxaad arkaysaan qaar casuumad sameeyay oo musharixiin ah iyo qaar kale oo iyaguna casuumad sameeyay oo musharixiin ah, labaduba waxay ku dhawaaqayaan inuu Madaxweynuhu musharax yahay, oo haddaa maxaad idinku casuumayseen?, casuumaddahaas ayaa qarinaya waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas sii raaciyay oo uu intaas ku daray, “Xisbigu hoggaamiye ayuu leeyahay oo waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), murashax xisbiga Kulmiye waa Madaxweyne Siilaanyo, Gudoomiyaha Xisbigu waa Muuse Biixi Cabdi, Cabdicasiis Maxamed Samaale waa wasiirka Maaliyada, Maxamed Biixi Yoonis waa wasiirka Arrimaha Dibadda. Haddaba casuumadaha yaryar ayaa qarinaya waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.”

 

 

 

Leave a Reply