Islaantii Ugu Weynayd Ee Account-ka Ku Lahayd Facebook-ga Oo Geeryootey

0
355

Waxa maalmo ka hor geeryootay islaantii ugu weynayd ee isticmaali jirta aalada Facebook-ga,taas oo Account- ku lahayd bogaasi,waxaanay da’deedu ahayd islaantaasi 114 sanno,waxaanay ahayd islaanta keliyaata ee run ka sheegtay da’deeda marka loo eego dadka isticmaala iyo beenta ay ku qortaan,waxaana gurigeeda ku booqday ninka leh aaladan Facebook-ga waqtigii ay noolayd.
Islaantan oo lagu magcaabo Stoher ayaa intii aanay dhiman waxay hadiyad ka guddoontay shirkadaasi Facebook-ga oo soo booqatay ,gaar ahaana ninka leh iyo shaqaalaha ugu sareeya shirkadaasi oo booqasho ugu tegay,waxaanay arrintani ka timid kadib markii ay arkeen sheekadeeda oo ay kusoo qortay bogaasi ay lee dahay,waxaanay ahayd qofka ugu da’da weyn Minnesota.
Bogan ayay ku lahayd saaxibo badan,iyada oo sheegtay inay bogan u samaysatay sidii ay saaxiibadeed u caawin lahayd,waxaanay ahayd qof technology-gan cusubi uu qariib ku yahay ,waxaanay dhalatay iyada oo aan qoyskeedu lahayn wax taleefan ah iyo laydh midna,waxaanay ku noolayd Beer ilaa iyo 12 jirkeedii,iyada oo gurigeeda u guurtay markay weynaatey ka dib.
Nin lagu magcaabo Joseph Ramiriza ayaa ahaa nin isna ka sheekeeyey  islaantaasi,isaga oo aqoon badan u lahaa inankeeda,kaas oo iminka da’diisu tahay 85 sanno,waxaanu u sheegay inay hooyadii isticmaasho oo kale Mobile-da Smart Phones-ka ah,iyada oo sidoo kalena ka isticmaasha facebook-ga  iPad,iyada oo Email u dirtay ninka leh Facebook-ga kana codsatay in loo kordhiyey tirada Friends-keeda intay noqon karaan,kadib markii uu buuxsamay xadigii loo ogolaa.
 
 

Leave a Reply