Aljeeriya: Hantiilayaasha Khaliijka oo Laga Horjoogo ugaadha Saxaaraha

0
417

Dadweynaha Gobolka WAADI ee waqooyi/Bari Saxaaraha  Dalka Aljeeriya ayaa bilaabay hawlagalo habeen iyo maalinba ah oo lagu caydhinayo Milyaneerada u dhashay dalalka Khaliijka carabta ee sida joogtada ah u ugaadhsanaya Ugaadha halkaasi ku dhaqan gaar ahaan Biciidka iyo deerada, hawlgaladan oo ay ku doonayaan inay falaadhaha hantiilayaasha Khaliijku sitaan kaga badbaadiyaan xayawaanka saxaare jooga ah ee gumarada u ah bulshada Wadankaasi.
Corie” Intranationale oo ah majalad Todobaadle ah oo ka soo baxda wadanka faransiiska oo arintan si weyn wax uga qortay ayaa daabacday in bulshada ku nool saxaaraha dheemmanka ah ee Aljeeriya ay bilaabeen kacdoon ay ku eryanayaan kooxaha dalxiisayaasha ah ee sanad walba dhamaadkiisa ka yimaadda wadamada qaniga ah ee Khaliijka carabta, kuwaasoo dheel-dheel iyo qaab dhereg dhacsi ah ku laaya biciidka iyo deerada saxaaraha.
Mid ka mid ah Bulshada mandaqadaasi oo u waramay majalada faransiiska ah waxa uu yidhi: “Waxaanu wadnaa hawlgalo aanu ku qarinayno ugaadhayada saxaaraha si ay uga nabad gasho Amiirada Khaliijka ee falaadha la dabo jooga, kuwaasoo cunaya beerkeeda oo keliya ka dibna tuuraya hilibka intiisa kale”
Dadweynaha Gobolka Waadi iyo gobolada kale ee saxaaraha kula jaarka ah oo ay wehelinayaan ururada u ololeeya ilaalinta deegaanka ayaa weydiistay xukuumadda Aljeeriya inay joojiso ugaadhsiga joogtada ah ee lagu hayo 73 nooc oo xayawaanaadka duurjoogta ah oo u muuqda inay sii dabar go’ayaan.
 

Leave a Reply