Maraykanka iyo Go'aanka Falastiin

0
398

Dowladda Mareykanka ayaa ku sheegtay go’aanka Falastiin ee ay ku dalbatay ka mid noqoshada maxkamadda dembiyada caalamka ee ICC inay tahay arrin dhibaatada sii hurineysa.
Mareykanka ayaa tilmaamay in aysan guuleysan doonin tallaabada ay qaadeen hogaamiyayaasha Falastiin.
Israa’iil ayaa ku hanjabtay tallaabooyiin aan cadeyn inay uga jawaabeyso go’aanka Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa Arbacadii saxiixay heshiis ay xubin uga noqonayaan maxkamadda ICC.
Falastiin ayaa ku guuldareysatay qaraar ay u gudbisay golaha amniga ee Qaramada Midoobeey kaas oo ay ku dalbanayeen in Israa’iil ay seddax sano ku soo afjarto haysashada dhulka Falastiiniyiinta.
Falastiin ayaa sidoo kale dooneysay in dal madax bannaan loo aqoonsado 2017-ka, iyadoo ay arrintaasi ay u ololeynayeen qaar ka mid ah beesha caalamka.
 

Leave a Reply