Lammaane Beertii Arooskoodu ka dhacayay Looga Raray Madaxweyne Obama

0
424

Laba caruus oo u dhashay dalkaasi Maraykanka ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey lagu khasbay inay ka tagaan goob weyn oo ay xaflada arooska ku qabsanayeen,kadib markii uu halkaasi soo gaadhey madaxweynaha dalkaasi Maraykanka oo doonaayey inuu ku ciyaaro ciyaarta loo yaqaano Golf-ta,taasa oo caan ka ah dalkaasi Maraykanka iyo wadamo kale oo badan.
Bride iyo ninka guursanaayey oo lagu magcaabo Natalie Hemel iyo saaxiibkii oo isna caruus ahaa ayaa xafladaasi ku qabsanaayey goob lagu magcaabo Sixteen Stadium Kaneohe Klipper Golf  oo ay lee yihiin ciidamada badda ee dalkaasi Maraykanku,iyaga oo ka tirsanaa ciidamada laftoodu.
Xafladan ayaa dhacaysay maalintii Axadii oo bishii hore ee December ay ahayd 28,waxaana lagu casuumay xafladaasi dad aad u tiro badan,kuwaas oo goob joog ka ahaa.
Caruusyadda oo hadlay ayaa sheegay in aanay arrintani ahayn mid adag ama culays ku keenaysa iyaga ,madaama oo ay hore ugu ogaayeen inuu madaxweyne Obama meelaha ciyaartaasi u yimaado,taasina ay tahay mid iska caadi ah.
Hemel ayaa sheegay in madaxweynuhu jecel yahay ciyaarta Golf-ta xiliga uu ku jiro fasaxa,taas oo ah qorshihiisa,waana qorshe dhaawacay ayuu yidhi xafladayadii arooska,waxanaanu go’aansanay in aanu meel kale uga wareegno goobtaasi,madaama oo uu madaxweynuhu go’aansaday inuu ciyaaro Golf-taasi.
Hemel ayaa sheegay in aanu qaraarka meesha lagaga tegaayey ka iman madaxweyne Obama iyo shaqaalaha guriga Cad midna laakin uu ku koobnaa ninka maamulaha ka ah garoonkan kubada Golf-ta lagu ciyaaro.
Waxa uu sheegay in madaxweyne Obama xidhiidh lasoo sameeyey waqti yar ka dib isaga oo sheegay inuu ka xun yahay inuu dhibo,sidaasna waxa uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
 

Leave a Reply