Bulshooy Sanadka Cusub 2015-ka Ma Soo Afjarnaa Wixii Ina Dishooday

0
480

Anigoo ah Xaaji Dhinbiil waxaan markaa hore salaan iyo hambalyo u dirayaa bulshadayda gebi ahaantood reer Somaliland curashada sanadka cusub ee 2015-ka.
Bulshoy ma korinaa garaadkeena oo sida sanadkii hore ee galbaday 2014-ka ma dhaafnaa wixii ugu badnaa ee ay indhaheena iyo dhagaheenuba maqlaayeen oo ahayd annagoo reer Galoola iyo annagoo reer Qudhac ah.
Waxaan leeyahay ummad yahay iyo guud ahaanba warbaahinta in la joojiyo dhaqamadda xun xun eek u salaysan qabyaalada iyo baahintoodaba, waxaynu nahay dad isku mida oo leh muxaafid iyo mucaaridba markaa ha la dhaafo oo ha loo midoobo danta guud ee innagga wada dhexaysa.
Waxaan hambalyo u dirayaa hadalkii Jananka Booliska Mr. Fadal oo garowshiiyo ah in gaadiidka cusub 95/100 ay soo badatay waxyeeladiisu, waxaana intooda badan darawalo da’ yar oo xawli ku maraya waddo kasta oo aanay uba bilownin xeerka wadooyinka waxay u baahan yihiin gaadiidkaasi in si caqliyad leh loogu dhugyeesho oo xukuumaddu dib u eegto sharciyadooda iyo liisanka wado maristoodaba.
Sidoo kale waxaan iyagana talo u soo jeedinayaa basaska caruurta qaada gaar ahaan Madaarista oo aan leeyahay waar carruurta ha laagina oo ka daaya naaneysaha qaldan ee aad ubadkii ula baxdeen ee ah Saloolkii baan sidaa ama soo dadaadinaaya.
Ugu dambayn waxaan leeyahay waxyaabahaas oo dhan waa ay dayac yihiin ee bulshoy u dareen yeesha mas’uulow ka gudo waajibkaaga, waalidow-na ku dhaqan.
Xaaji Dhimbiil
Talo waayeel

Leave a Reply