Guddoomiyaha Salel Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Caafimaad Oo laga Bineeyay Saylac

0
480

Saylac  (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Salal mudane C/risaaq Waabari Rooble ayaa shalay xadhiga ka jaray xarunta dhalaanka iyo hooyada ee degmada Saylac oo Dawladda Hoose ee Degmada Saylac dib u habayn ku samaysay.
Munaasibad xadhiga lagaga jarayay MCH-ka Degmada Saylac ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Salal, Maayarka Degmadda Saylac, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo dadweyne kale.
Guddoomiyaha Gobolka Salal C/risaaq Waabari Rooble oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in lagu dhisay Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Degmadda, cashuurtii dadweynuhu bixiyeen waxaana uu yidhi “dhismahan waxa dhistay oo maalgalisay Dawladda Hoose ee Degmadda Saylac, waxaanan leeyahay dadka reer Saylac ee bixiyay cashuurta Dawladda Hoose, way ka qaybgaleen dhismahan, waxaana lagu dhisay cashuurtii dadweynuhu bixiyeen, waxaanan leeyahay dadweynaha reer Saylac ha bixiyaan cashuurta wax ka badan ayaa la qaban karayaa.”
Maayarka Degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay  in aynu ilaashano dhismahan haddii aynu ilaashan wayno dhibtii aynu ka cabanaynay waynu ku noqonaynaa, markaa hadaynu nahay dadweynaha reer Saylac waa in aynu ilaashano MCH-kan, waxaana Dawladda Hoose  kala qayb qaatay dhismahan qurbo joogta reer Saylac.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply