Maamulka Madaarka Hargeysa Oo Bandhigay Nidaam Cusub Oo Loo Cashuurayo Dadka Dhoofaya Ama Soo Degaya

0
377

Hargeysa, (Dawan) Maamulaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa shaaciyey is-bedel balaadhan oo lagu sameeyey nidaamka cashuurta laga qaado dadweynaha ka dhoofaya ama kasoo degaya madaarkaas.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in nidaamka la toosiyay, balse aan la kordhin wax cashuur ah, waxaanu arrimahan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa madaarka waxaanu yidhi, “Maanta (shalay) waxaan halkan idiinku yeedhay inaan dadweynaha reer Somaliland iyo macaamiisha adeegsada madaarka ee ka soo dega ama ka dhoofa aan ku wargeliyo in nidaamkii cashuur qaadiseed ee madaarka wax laga bedelay, oo aanu dib u habayn ku samaynay ka xukuumad ahaan, waa cashuurihii ay qaadi jirtay wasaaradda maaliyadda, iyo lacagtii ay qaadi jirtay wasaaradda duulistu ee adeegga madaarka, lacagahaas sharcigu dhigayo qaadistooda ayaanu nidaamkii loo qaadi jiray wax ka bedel ku samaynay, iyaga oo aan wax kordhis ah lagu samayn. Arrintani waxay ka timi codsiga iyo tallooyinka dadka madaarka adeegsada, iyo annaga oo fulinayna siyaasadda xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ee horumarinta madaarada Somaliland.”
Maamulaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray. “Isbedelka aanu samaynay ee bishan koowaad hirgalay, waxa digreeto uu fulinteeda uu ku amrayo ka soo saaray madaxweynaha Somaliland, iyo wasiirka maaliyadda, waxaana la faray dhamaan hay’addaha ay khusayso inay nidaamka cusub ee wasaaradda duulistu soo dejisay la raaco, haddii aan sharaxo nidaamka cusub ee aanu bilownay, waxa weeye waxa markii hore qofku marka uu soo dego laga qaadi jiray lacag cashuur ah, marka uu dhoofayana sidoo kale, qaabkaasi dadku in badan ayey dhibsadeen, dunida mar keliya ayaa cashuurta laga qaadaa qofku marka uu dal galayo, dadkuna taas ayey noo soo jeediyeen, markaas xukuumadduna waxay go’aansatay in la mideeyo cashuurahaas, oo marka uu soo dego hal mar laga qaado cashuurtii wasaaradda maaliyaddu qaban jirtay, oo la isku daray, oo ah lixdan Dollar (60$), halka markii hore marka uu soo dego sodon doolar (30$) laga qaadi jiray, marka uu dhoofanaya sodon kale oo doolar (30$) laga qaadi jiray, imika hal mar ayaa laga qaadayaa, lacagtan oo laga qaadayo dadka sita baasaaboorada ajinabiga ah, waxa la yidhaa (Visa Entry), hadday doonaan Somaliland-ba ha u dhashaane, lacagtaasi waa kharashka dal ku galka loo yaqaan, sidoo kalena waxaan xusayaa in dadka sita baasaaboorka Somaliland in 10$ laga qaadayo.”
Maamulaha madaarka Hargeysa ayaa sidoo kale xusay, “Waxa kale oo jiray lacagayow kale, oo sharciya oo ay wasaaradda duulistu qaadi jirtay, oo ah saddex doolar oo adeeg ah oo qofku marka uu dhoofayo iyo marka uu soo dagayo laga qaadi jiray iyo toban dollar oo amaanka ah, oo uu jideeyey xeerkii baarlamaanku ansixiyey ee tacaariifta madaaradda dalka, labadaas lacagayowna waanu midaynay, waxa aanu samaynay in lagu qaado nidaam ah tigidhada, oo lacagtaas waxa qabanaya shirkadaha diyaaradaha, qofkuna marka uu tigidhka soo goosanayo ayaa laga qaadayaa, taasina waxay meesha ka saaraysaa in qofka dhoofayaa uu lacag u soo qaato madaarka sidii hore u dhici jirtay, wax lacag ah oo qofka dhoofaya laga doonayaa ma jirto, sida nidaamka caalamka ah ayuu duulimaadkiisa ugu gudbayaa.”
Maamulaha Egal Airport ayaa intaas ku daray, “Waxa kale oo xusid mudan in dadkii dalka yimi wixii ka horeeyey 2015-ka, ee lacagtaasi laga doonayay aan laga qaadin ee sodonka Dollar uun bixiyey, ee madaarka ka soo degay sannadkii tagay ee 2014-ka, iyagana waxaanu u samaynay, laba bilood oo wakhtiga kala guurka ah, waxaanay wasaaradda maaliyaddu muddadaas ka sii shaqayn doontaa terminalka laga dhoofo, si dadkaas looga qaado cashuurtaas ku dhiman, sidoo kalena waxa ay shirkadaha diyaaraduhu wakhtigaasi dadkii aan tigidhadooda lagu darin lacagta adeegga ah in laga qaado wakhtigaas, qorshahayaguna waxa weeye in Insha Allah, bisha March ee sannadkan aanu wax lacag ah lagu qaban qaybta dhoofeyaasha ee madaarka.”
Maamuluhu waxa uu sidoo kale ka hadlay ujeedada ay ka leeyihiin is-bedeladan waxaanu yidhi, “Nidaamkaasi waa mid la isla qaatay, waxaanan jecelahay inaan cadeeyo mar kale in aan habayaraatee wax kordhin ah lagu samayn lacagahaas. Dadka waxaanu u sheegaynayaa inay ku soo tallo galaan nidaamkaas cusub, hadda wixii ka dambeeya sidaas ayaa loo wadayaa, arrimahan waxaanu uga dan leenahay inaanu sare ugu qaadno tayada iyo adeega madaarka Cigaal uu bixiyo, sidoo kalena in aanu madaarka kala mid dhigno garoomada kale ee caalamka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply