Siyaasi WADDANI ka Tirsan Oo Ku Baaqay Tallaabo Dawladnimada Lid Ku ah

0
359

Burco (DAWAN)- Badhasaab ku xigeenkii  hore ee Gobolka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar oo haatan ah xubin ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shalay shacbiga Burco ugu baaqay in aanay bixin wax cashuur ah, arrintaasi oo ah mid gef ku ah qaranimada Somaliland.
“Waxaan bulshadda Burco ama gobolka Togdheer-ba ugu baaqayaa in aanay noqon cashuur bixiyeyaal oo ay joojiyaan maanta ayaa la leeyahay Madaxweynihii ayaa  imaanaya Burco oo ay siigadda innagu qasayaan dawladii hoose Burco, waxba yaan lannagga nadiifin khashin iyo  wado toona, waxaan leeyahay cashuurtii waxaa la siiyaa  dad ee ka horyimaada oo cashuur dambe ha bixinina,”ayuu ku tiraabay Badhasaab ku xigeenkii hore ee Togdheer oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu  dhawaaqaasi dheg xumo iyo fadeexad kale ku yahay xisbiga WADDANI oo si laf jab ah u turjuntay  macnaha mucaaridnimo.
 
Guuleed Daahir Samatar ayaa hore loogu xidhay sababo la xidhiidha inuu abaabulay falal nabad-gelyadda wax u dhimaya oo bulshadda gobolka kala geynaya, mana aha markii u horeysay ee uu sidan oo kale u hadlo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply