Wasiirka Maaliyadda Oo Kormeeray Laamaha Dakhli Soo Saarka Magaaladda Berbera

0
381

Hargeysa (DAWAN)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, ayaa shalay kormeer ku soo maray dekeda Berbera, xarunta Kaydka Haamaha Shidaalka iyo xarunta Kastamka magaalada Berbera.
 
Wasiirka maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo warbaahinta la hadlay  ka dib markii uu soo dhamaystay kormeerkan uu ku soo maray laamaha dawlada ee magaalada Berbera, waxaana uu ku amaanay  masuuliyiinta  laamaha dawladda ee gobolka Saaxil hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu yidhi  “Guud ahaan wax-qabadka qarankeenna ayay ka mid tahay qof waliba meesha uu joogo iyo xilka uu umadda u hayo inuu  si  daacadnimo leh  u guto, waxqabadka ka  muuqda xarumihii aan kormeeray  ayaan  aad ugu ammaanayaa, waxaanan jecelahay wada shaqayntaa dhow  ee ay wasaaradda maaliyada leeyihiin inay sii adkeeyaan waaxyaha gobolka Saaxil ka shaqeeya inuu sii adkaado aad iyo aad ayaan idinku mahadnaqayaa.”
 
Wasiir Samaale waxa uu ku hambalyeeyay masuuliyiinta dekeda Berbera qayb cusub oo dekeda lagu soo kordhiyay oo dhismaheedu socdo, waxaana uu yidhi “Qaybtanacusub ee dhismaheedu  socdo ee ay ku soo kordhinayaan marsadda aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa dekedda.”
 
 
Wasiirka maaliyada C/casiis Samaale waxa uu tilmaamay in Haamaha Shidaalka Berbera ay ka mid yihiin meelaha halbawlaha u ah dalka, waxaanu yidhi “Runtii Haamaha Shiidaalku waxay ka mid yihiin meelaha halbawlaha u ah qaranka guud ahaan shidaalka kala duwan ee dalkeenna yimaada halka lagu kaydiyo ee lagu cashuuro,waa meel runtii aad muhiim u ah waa shaqo aad u culus, waan idinku amaanayaa waxqabadka wanaagsan ee aad samayseen.”
 
Mareeye ku xigeenka Dekedda Berbera Cumar Abokor oo warbixin ka siiyay Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay inay ku hawlan yihiin sidii loo balaadhin lahaa Dekeda, waxaana uu yidh “Waxaanu ku dedaalaynaa in aanu  mar walba saamayno meelo aynu u helno fursado badan oo ganacsiga aynu dhigno oo aynu ku nasino dekedu waxay masuuliyadeeda haysaa alaabada uun, laakiin cashuuraha waxa ku shaqo leh kastamka.
Maareeyaha Haamaha Shidaalka ee magaalaa Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa isaguna warbixin ka siiyay Wasiirka Hawlaha  Shaqo ee uu Qaranka u hayo, waxaanu yidhi  “Aad ayaan ugu faraxsanahay boogashada aad Wasiir noogu timid, haddii aanu warbixin kaa siino Haamaha waxa ka socda mashaariicdii aad bilowday, waxa ku soo biiray taangi cusub waxaana uu qaadayaa 3500 oo mitir tan shidaalkiina waa lagu shubay, waxaanu muddo laga joogo 15 sano ayaanu shaqayn.”
 
Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan,  ayaa isaguna  oo ka warbixiyay  sida uu u shaqeeyo ayaa yidh “Kastamku hada marka laga hadlayo shaqada Kastamka Berbera labo hawlood  oo waaeyn ayay haysaa, midi waa dakhli soo saarka qaranka, midna waa adeeg bixintii.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply