“Labadaas Xisbi Ee Yar-yar In Dimuqraadiyada Lagu Koriyo Mooyee, Maaha Xisbiyo Barnaamijyo Leh”

0
365

“Cirro Fadhiga Uguma Kacayno, Jamaal-na Waa Ninkaas Tobanka Sanadood Murashaxa Sheeganay”
 
By: Cumar M.Faarax
 
 
Hargeysa (DAWAN)- Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland  Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sheegay in xisbiyadda mucaaridka ah ee dalku aanay xukuumadda tallada haysa kula tartami Karin codka iyo kalsoonida iimaanka ay bulshadu ku qabto xukuumadda Siilaanyo.
 
Afhayeenku waxa uu sheegay in aanay asxaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID aanay lahayn wax barnaamij siyaasadeed ah, waxaanu ku dooday in xukuumadu ay ummadda cod kaga doonayso wax-qabadkeedii hore iyo barnaamij cusub oo ay dadweynaha u soo bandhigi doonto mustaqbalka dhow.
Mr. Dhuxul waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyay mareegta Internet-ka ee Hadhwanaagnews.com.
 
 
 
Afhayeenka oo ugu horayn ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira isku shaandheyn la sheegay in madaxweynuhu ku samaynayo Golihiisa Wasiirrada, waxaanu yidhi “Ísku shaandhayntu Waa Qoddob Dastuuri ah waa Qodob Madaxweynaha xaq u  siin kara In uu wax bedeli karo Isla markaana u wax eryi karo qaar Kalana soo galin karo , waana Asbaabta cadeyneysa Wada lahaanshaha qaranka muwaadin kasta oo u  dhashey Somaliland, waxaa uu xaq u leeyahay In mansab yada Xukuumadda uu qabto.Madaxweynuhu mar walba xaq buu u Leeyahey In wax Uu Eryo, Waxna Magacaabo Waana xaq uu Isagu leeyahey mar kasta Iyo xili kastana wey dhici kartaa Iminkase  ku odhan maayo hadda ayey Isku Shaandhayni Jirtaa.”
 
 
“Walaahi  Asxaabta  mucaarid ah oo Isbedel ku sameyn karta dawlada Iminka taagan ma Arkeyno Miyaad Aragteen Asxaabta Mucaaridka ah   Wali iyagoo Baranaamij soo dhigaya  oo leh taas Iyo arrintaas baanu  u qabaneynaa  shacabka Somaliland. Madaxweyne Siilanyo iyo Xukuumadiisu waxay soo bandhigeysaa wixii ay qabatey iyagu (Xisbiyada Mucaaridka ah) Maxay ummadda u sheegayaan oo ay xukuumadda kula tartamayaan.?
 
.
Cabdiraxmaan Cirro xil-ba wuu soo hayey  oo toban sanadood ayuu Golaha Wakiiladda soo haystay  oo Isaga Fadhigaba uga kici mayno,   Jamaalna dee waa ninkaa shanta sanno Musharaxa ahaa  ee Garan-waayey  Musharax-nimadu waa  mid wakhti  Kooban, labadaas xisbi ee yar-yar ma in dimuqraadiyada  lagu koriyo mooyee ma jiro xisbiyo barnaamijyo leh oo bedeli kara xukuumaddan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul.
 
 
Afhayeenka oo la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo dad aaminsan in aanay xukuumadu diyaar u ahayn in doorashadu ku qabsoonto xiligeedii, waxaanu yidhi “Xaga Xukuumadda Doorashadu waa ka diyaar, Miisanyadii ayaad ogeyd  oo hore ayaa loogu diyaariyey oo Sanadka waa lagu daray,  Waa la Ansixiyey,Xubnihii Kominshanka Intii uu Madaxweynuhu ku lahaa iyo intii kaleba deg-deg baa  Loo soo xuloo hawshoodii waa la dhameeyey, Xeerkii diiwaan gelinta Xukuumaddu waa ay diyaarisay,  wax ku qabyo ah Xukuumadda tallada haysa Ma Jirto,  waxaa aynu ka sugeynaa cidii dhex-dhexaadnimada iyo ka garsoorka hawlaha doorashada aynu u dhiibanay ayaa dejinaysa oo ka shaqaynaysa, xukuumaduse waa u diyaar.”
 
 
 

Leave a Reply