“Shirkadda ARC Waxay Dawladda Somaliland La Gashay Heshiis Sharci Ah, Soomaaliyana Waxay Sheegaysaa Been Cad” Wasiirka Macdantu Warbaahinta Wadaniga ah Ma Wuxuu ka door-biday BBC-da?

0
377

By: Khadar C.Muuse
Hargaysa (Dawan): Wasiirka macdanta  iyo tamarta  Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay in shirkadda ARC oo hawlo sahamin dhinaca  macdanta  ah ka wada buuraha simoodi ee gobolka Awdal ay heshiis rasmi ah la gashay dawladda Somaliland
Wasiirku waxa uu  cambaareeyay  warka  ay dawladda federaalka Soomaaliya ku sheegtay in aanay iyaga shirkadaasi ka haysan wax ruqsad  ah, isla markaana ay ugu baaqayaan inay ka  baxdo gobolka Awdal.
Wasiirka Macdantu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay siisay laanta afsoomaaliga ee BBC-da, waxa kale oo uu sheegay in shirkaddda ARC  oo ah shirkad Shiine ah in ay hawlaha sahaminta iyo baadhista macdanta ka waday  deegaamo ka tirsan gobolka Awdal muddo laba sanno ah.
“Way ka wadaa shirkadu baadhista macdanta, heshiis sharci ah ayay dawlada Somaliland la gashay, waana shirkad muddo dheer dalka deganayd, kana diiwaangashan, kana sharciyaysan, sahamina ka samaynaysay muddo 2 sanno ah deegaankaasi, lagana gudbay sahamintii oo dawladda Somaliland ay garatay in ay heshiis la gasho wax soo saar,” ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dawladda  heshiis sharci ah oo rasmi ah ayay  la gashay shirkadda ARC  oo ka gudbay Folaha Wasiirrada laga ansixiyay oo dawlada Somaliland ay qaadatay inay heshiis la gasho, iyadoo deegaankana ay muddo dheer ka shaqaynaysay, dadkana isku soo dhawaansho iyo wada shaqayni ay ka dhaxaysay, waxaan la leeyahay baro-kaca iyo qabiil isku dhufashada ay sheegayaan qolada Soomaaliya ee beenta ah ee qaawan ee laga samaynayo oo ay duuban tahay sida ay dadka deegaanku u soo dhaweeyeen markii aanu  u kuurgalnay ka hor intii aan wax la bilaabin, oo ay wasaaradu tagtay oo ay ka muuqatay in dadka deegaanka masuuliyiintiisii kuwii dawladda ku jiray, madax dhaqameedkoodii iyo aqoonyahankoodiiba ay si fiican ula shaqaynayaan oo ay u soo dhawaynayaan shirkada macdanta baadhaysa.”
 
Geesta kalena, Wasiirka Macdanta iyo tamarta oo aanu xalay dhawr jeer telefoonkiisa gacanta ka garaacnay si aanu waraysi ugala yeelano jawaabta uu ka bixinayo naqdigii iyo xadgudubkii dawladda Soomaaliya ku samaysay qaranimada Somaliland, ayaanay noo suurto gelin inaanu khadka ku helo, isagoo warbaahinta maxaliga ah ka door-biday laanta afsoomaaliga ee BBC-da oo xalay kala jartay waraysigii jawaab celinta ahaa ee uu siiyay.
 

Leave a Reply