Afghanistan oo Jagooyin u Bandhigtay Daalibaan

0
353

Dawladda cusub ee dalkaasi Afghanistan ee uu hogaamiyo Madaxweyne Ashraf Ghani, ayaa  kooxda Taalibaan u bandhigtay jagooyin golaha wasiirada ah. balse waa ay diideen in ay qaataan jagooyinkaasi.
Sida ay ogaatay BBC Talaabadaas ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd mid lagu doonayey in lagu soo afjaro kacdoonka halista ku ah dib u soo kabashada dalkaasi Afghanistan.
In ka badan saddex bilood ayaa laga joogaa markii uu xilka la wareegay, Ashraf Ghani, weli ma aanu dhamaystirin golaha wasiirada.
Kooxda Taalibaan ayaa loo soo bandhigay saddex wasiir, jagooyinkaasi waxay awood u siin lahayeen Taaliban in ay maamulaan arrimaha baadiyaha, iyo aruurinta dhakhliga ee xuduudaha dalka Afghanistan.
Sidoo kale waxa jiray wadahadalo ku saabsanaa in la magacaabo saddex barasab oo ay yeeshaan kooxda Taalibaan iyadoo gobollada loo magacaabi rabayna uu ka mid ahaa gobolka Helmand halkaas oo ay ku dhinteen 453 askeri oo British intiiu uu socday dagaalkii lagu doonayey in lagu baabi’iyo Taalibaan.
Jagooyinkan loo soo bandhigay Taalibaan ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha cusub uu la halgamayo sidii uu heshiis ula geli lahaa ninka ay wada sameeyeen dowladda wadaaga ah ee Dr Abdala Abdala si markaasi ay u soo dhisaan dowlad isu dheeli tiran.
 

Leave a Reply