Boqolaal Qof oo lagu Dilay Waqooyiga Nigeria

0
389

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegaya in rabshadaha ka taagan magaalada Baga ee waqooyi bari Nigeria ay ku dhinteen boqolaal qof.
Magaalada iyo saldhig milatari oo halkaa ku yaalla ayaa Sabtidii la soo dhaafay waxaa qabsaday maleeshiyada kooxda xagjirka ah ee loo yaqaan Boko Xaraam.
Waxaa jira warar sheegaya in kumanaan qof ay u qaxeen waddanka dariska ee Chad.
Aad ayey u adag tahay in la ogaado tirada dadka lagu dilay magaalada Baga iyo tuulooyinka ku xeeran.
Weliba iyadoo ay haatan deegaankaasi gacanta ku hayso kooxda Boko Xaraam, oo aanay cidna ammaan u ahayn inay halkaa aado oo ay soo tiriso tirada dadka dhintay iska daa in la duuga ee.
Senator-ka matala deegaankaasi, Maina Maaji Lawan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in boqolaal qof la dilay.
Dad u baxsanaya ammaankooda ayaa ka sheekeeyay urta maydadka daadsan waddooyinka iyo duurka ku xeeran.
Dhibaatada ka taagan waqooyi bari Nigeria ayaa sii xumaanaysa.
Madaxweyne Goodluck Jonathan ayaa cambaareeyay weerrarkii ka dhacay Paris, isagoo ku tilmaamay mid aad u xun, balse kama aanu hadlin rabshadaha ka taagan gudaha dalkiisa.
Inta badan siyaasiyiintana waxa ay u muuqdaan inay diiradda saarayaan doorashooyinka bisha soo socota.

Leave a Reply