Baaris: Booliska oo Dilay Walaalihii iyo DHimashada la Haystayaal

0
357

Labadii walaalaha ahaa ee lagu tuhunsanaa rasaasayntii xarunta wargeyska Charlie Hebdo  ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday bakhaar ay galeen  oo ku yaal waqooyiga Baariis.
Waxa isna halkaa lagu dilay qof afduubnaa.
Dhacdo labaad oo ay ciidamada boolisku ku weerareen supermarket ku yaal bariga Baariis oo afduube ku haystay dhawr qof oo u afduubnaa waxaana wararku sheegayaan in la dilay afar qof weerarka ka hor.
Labada walaalo, Saciid iyo Cherif Kouachi, ayaa galay dhismo ay leedahay shirkad wax daabacda magaalada Dammartin-en-Goele. Afhayeen u hadalay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in booliska ay isku dayeen inay la xidhiidhaan labada nin iyagoo si taxadar leh uga fogaanayo in waxyeelo nafeed dhacdo.
Sarkaal deegaanka ah ayaa sheegay in hal ruux lagu haysto halkaasi. Ardayda iskuulo halkaasi ka dhawaa ayaa goobta laga daadgureeyay. Duulimaadyada madaarka ugu weyn Paris ayey sidoo kale waxyeeleysay iyadoo la badalay hababka degista iyo duulista.
BBC-da ayaa sheegtay in halkaasi shan ruux lagu dilay.


 

Leave a Reply