Ganacsato Turkiga ka Socda Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

0
462

Hargeysa (DAWAN)-Wefti balaadhan oo ka socda dalka Turkey oo iskugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa shalay booqasho ku yimid  Jamhuuriyadda Somaliland.
Weftigan ka socda dalka Turkey ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah  Bashiir Cabdi Xariir iyo agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan.
 
 
Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay ujeedada socdaalka weftigan waxa uu  yidhi “Weftigan balaadhan oo  ah ganacsato ka socda shirkadaha ugu waaweyn ee dalka Turkey ee Islaamka ah ee walaalaheen ah, shirkadahaas oo dalkeena u yimid inay maalgashadaan Somaliland oo ka faa’iidaystaan.
Shirkadahaas oo ay ka mid yihiin shirkadda isgaadhsiinta ugu wayn ee dalka Turkey shirad ka socota xaga tamarta iyo shirkado kale oo ganacsiga ah.”
Wasiir Ku xigeenku  waxa uu tilmaamay in Somaliland soo jiidatay beesha caalamka kuna aaminaan hantidooda, waxaanu  yidhi “Waynu ognahay baahida aynu u qabno maanta marxalada ay Somaliland marayso oo ah in aynu soo jiidano indhihii beesha caalamka oo aynu noqono dalalka lagu aamino hantida shisheeye ee la maalgashado si ay horumar intan ka balaadhan aynu u samayno.”
Wasiir Bashiir Cabdi Xariir waxa  ku dooday in siyaasada xukuumadu tahay in la kasbado oo la dhiirigeliyo maal-gashadeyaasha caalamiga ah.
 
Mr.  Maxamed oo ku hadlayay magaca weftigan ka socday dalka Turkey, ayaa waxa uu u mahad-celiyay sida loogu soo dhaweeyay Somaliland, waxaana uu sheegay in xidhiidh ganacsi la samayn doonaan Somaliland kaasi oo khuseeya dhinacyada tamarta iyo isgaadhsiinta.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply