Hagar-daameynta Heshiisyadda Ee Soomaaliya, Hawraarta Somaliland Iyo Hurgumooyinka Wada-hadallada

0
478

Soomaaliya Waxay ku  caan-baxday ballan-furka  heshiisyada iyo xurmayn la’aanta qawaaniinta gobolleed iyo kuwa caalamiga ah-ba, waxa taas ugu wacan fowdada iyo sharci la’aanta ay ku baloobeen muddo rubuc qarni ku dhow oo ku noolaayeen sabbo aanay dawladnimo ka jirin. Arrintaasi oo ka dhigtay inay calanka u qaadaan qarammada guul-daraystay ee kownkan dushiisa ka jira.
Soomaaliya inkasta oo ay duruuftaas xumi qaranimadooda ay laba dible u xidhay, haddana waxay intaas gashaa axdiyo kala duwan oo ay tahay inay xaq-dhawraan oo ay fuliyaan.
21-kii Bishii December ee la soo dhaafay waxa xarunta madaxtooyadda Jabuuti heshiis lix qodob ahaa ku kala saxeexday madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, dharaartaas waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo  madaxweynaha Jabuuti ee gogosha dhigay markhaati uga dhigay hadal sar-beeb qoto-dheer xambaarsanaa, waxaanu isla goobtii ku goodiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inuu fuliyo heshiisyada ay kala saxeexdaan labada dhinac, waxaanu madaxweynaha Somaliland u ballan-qaaday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in dawladdiisu ay xaq-dhawri doonto fulinta heshiisyada ay la saxeexdeen Soomaaliya.
“Walaalkay Xasan Sheekh (Madaxweynaha Soomaaliya) waxaan leeyahay, waa inaynu fullinnaa is-fahamka iyo heshiiskaas aynu gaadhnay. Annagu haddii aanu reer Somaliland nahay waanu fulinaynaa waxa lagu heshiiyay Insha Allaahu,” ayuu hadalkiisa ku dhaabaddeeyay Madaxweynaha Somaliland, waxa hadalkaasi uu macnihiisu ahaa inuu madaxweynaha gogosha dhigay si toos ah u dareensiinayay in dhinaca had iyo jeer ballan-furku ka yimaadaa ay tahay dhinaca Soomaaliya.
Waxa soo baxaya ifafaalle muujinaya in dawladda Soomaaliya ay dhaawacayso qodobbada heshiiskii Jabuuti ee raadkiisu sii qoyan yahay,  ka dib markii ay wasaaradda Tamarta ee Muqdisho ay Arbacadii todobbaadkii hore ay si fool xun  cambaaraysay  shirkad Shiine ah oo la yidhaahdo ARC, oo  heshiis macdan baadhis iyo sahamin iskugu jirta la gashay dawladda Somaliland, si ay macdan uga soo saarto buuraha Simoodi ee gobolka Awdal.
Hadaaqa  ka soo yeedhay wasaaradda Tamarta ee Soomaaliya waxa uu noqday ficil nool oo heeray  heshiiskii labada dhinac, waxaanay arrintaasi   dib ii soo xasuusisay hadalkii madaxweynaha Somaliland ka jeediyay xafladdii lagu kala saxeexanayay heshiiskii Jabuuti oo uu kaga afeefanayay in Soomaaliya laga helo meel-marinta heshiisyada.
Dhawaaqa daan-daansiga ah ee Soomaaliya waxa uu lid ku yahay qodobka 2-aad ee heshiiskaas oo  farayay labada geesood inay dhaqan-geliyaan heshiisyada, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya wada-hadallada, waxaanu qodobkani u dhignaa sidan:-
“2- labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado,lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay oo ah:
A)-In laga dhawrsado wixii wada-hadallada carqalad gelin kara.
B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha aadaminimada iyo mashaariicda dibu-dhiska welibana la dhiirigeliyo.”
Waxa arrintani weji-gabax ku tahay  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay masuuliyaddiisa calaamatul su’aal saaran tahay, maadaama oo aanay hirgelaynin heshiisyada uu magaca dawladnimada dalkiisa ku galo, iyadoo faaqideyaasha siyaasaddu ay qabaan in madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Sheekh Shariif Sh. Axmed uu kaga wanaagsanaa  fulinta masuuliyadda heshiisyada noocan oo kale ah.
Somaliland dhinaceeda waxay u darban tahay inay fuliso wixii dhinaceeda ka khuseeya heshiisyada ay la galaan Soomaaliya, waxaanay  arrintani astaan u tahay  farqiga haybadda dawladnimo ee labada geesood ku kala gedisan yihiin.
“Waxaan Soomaaliya ku boorrinayaa inay ka fogaato ka hadlida arrimaha Somaliland khuseeya, waayo? waxa keliya oo ay waxyeelaysaa wada-hadallada socda. Somaliland ma aqbali doonto nooc kasta oo faro-gelin ah oo lagu sameeyo xuduuddaheeda. Gefaf kasta oo nagaga yimaada jaarkayaga waxaanu uga jawaabi doonaa si la mid ah,”ayuu ku  yidhi Madaxweyne Siilaanyo farriin uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka, isaga oo far waaweyn ku bandhigay deel-qaafka Soomaaliya, haddana waxa uu si milgo iyo karaamo leh u ilaalinayaa heshiisyada uu qalinka kula duugay dhigiisa Soomaaliya.
Tumaatida  soo gaadha heshiiskii Jabuuti waxay uu curyaaminaysaa   mustaqbalka wada-hadallada labada dawladdood, iyadoo loo ballansan yahay in la gudo-gallo mawduucyada“Masiiriga ah”, waxa lagu wadaa in shirka qodobbadaas la iskula soo hor fadhiisan doonaa uu ka dhici doono waddanka Turkiga 26-27 Febarwari 2015-ka.
Maadaama oo shirarkii labada waddan soo gaadheen in loo galo himilooyinkii aan is-waafaqaynin ee labada dhinac, waxa lagama maarmaan ah in inta muddadaas laga  gaadhayo la ixtiraamo heshiisyada, waxa madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay inuu ka gil-gisho  masuuliyad-darrada ka dhalatay  axdi xumada  dhinaciisa ka taagan oo uu raali-gelin buuxda ka bixiyo deel-qaafkii dawladdiisu kaga hadashay  macdanta Somaliland ka baadhayso buuraha Simoodi ee gobolka Awdal. Soomaaliya waxa looga magan yahay in ay isa saxdo illaa laga gaadhayo maalinta kala baxa ee miiska la soo saarayo qodobbada masiiriga ah.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply