“Madaxweynaha Soomaaliya Waxaan Leeyahay Kala Lulasho Dooni Mayno Waxaannu Nahay Qaran Madax-bannaan”

0
479

Berbera(Dawan):Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa ku baaqay in dawladda Somaliland in la sameeyo  siyaasad lagu furo qufuladda waaweyn ee caalamka oo aan ku war-wareegin qufulada yar-yar.
Prof. Samater,   oo maalmihii u  dambeeyay ku gudo  jiray socdaal uu ku marayay gobolada dalka isla markaana uu kulamo aqooneed oo  kala duwan ku qabtay qaar ka mid ah  Jaamacadaha dalka, isagoo   dorraad khudbad uga   jeediyay hoolka Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera. waxaanu kaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen  siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland,  Damaca Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku tilmaamay  mid aan Somaliland iyo Soomaaliya mid naba  wax dan ah  u haynin  islamarkaana uu doonayo in aanay dhanicna  waxba u hagaagin iyo faa’iidada  ka dhalata xidhiidho badan oo caalamka lala yeesho.
Axmed Ismaaciil Samatar  ayaa ugu horrayn  hadalkiisa ku bilaabay in uu jawaab cad ka bixiyo damaca madhalayska ah ee hoggaamiyaha dalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud.Waxaanu yidhi “Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxweynaha Soomaaliya oo aan anigu aqoon badan u leeyahay,ayaa yidhi  aynu kala lulano,waxaan leeyahay adeer kala lulan mayno  oo anagu waxaanu nahay dad jira qaran iyo dal iyo dad leh oo dawlad ah xaqoodana soo dhacsanaya.”
 
Waxa kale oo uu Prof.  Samatar  ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda oo uu tilmaamay in ay tahay furaha is-dhex galka caalamka.“Waynu wada garanaynaa Somaliland waxay tahay laakiin waxaa loo baahan yahay in aynu wax ka ogaano waa maxay siyaasadda arrimaha dibaddu. Siyaasadda arrimaha dibadda marka uu dalku ka dhismo  waxaa weeye dal ku guulaystay xidhiidh wanaagsan oo  uu dinida la yeesho iyo isdhex galka  caalamka oo uu ku guulaystay.”
Dhinaca kale Axmed  waxaa uu ka hadlay sida looga midho dhalin karo qadiyadda Somaliland iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay in la qaado.
Isagoo arrimahaais ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa loo  baahan yahay in la sameeyo ama la soo xulo dad aqoon yahanno ah oo laga soo dhex xulo Ceelaayo illaa Lawyacaddo oo noqda tiim isku xidhan oo u dhaqaaqa furista qufulada waaweyn ee caalamka maaha  in aynu ku war wareegno kuwa yar yar waa in aynu  u dhaqaaqnaa sidii aynu u furi lahayn qufulada waaweyn.”
 
 
 
Axmed Ismaaciil  Samatar, ayaa   si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera waxaa kale oo kulanka uu jaamacadda culuunta badda ka jeediyay kala qayb galay Maayerka degmada Berbera Cabdishakuur Ciddin Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor,masuuliyiinta  Jaamacadda,arday iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Dhinaca kale waxaa kulankii uu prof. Samater u jeediyay ardayda jaamacadda Berbera, waxaa hadal ka jeediyay  Maayerka degmada Berbera isagoo  si weyn u iftiimiyay sida ay bulshada Somaliland ugu wada halgamayso qadiyadda Qarannimada Somaliland.
 
“Bulshada Somaliland waa wada mujaahid waxaana lo wada halgamayaa waa Qarannimada Somaliland horena waa loogu soo halgamay waligeedna halganku wuu soconayaa guushana waa la helaa dhib kasta oo loo soo maro haddii loo samro laakiin waxaa ka sii muhiimsan side ayaynu  u haysanaa guusha taasaana ah mid inooga  baahan ku faro adaygeeda waana arrimaha uu inagala hadlayo Poff Samaatar.”ayuu yidhi Maayerka Berbera Cabdishakuur ciddin.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply